Dawladda Soomaaliya ayaa ku gacansaydhay warbixinta ay soo saartay guddida dawladda Jabuuti u xilsaartay xaqiiqo raadinta khilaafka Soomaaliya iyo Kenya.
Wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya ka fajacday natiijada warbixinta oo uu tilmaamay in ay tahay mid ka xaglisay Soomaaliya.