Walaalkay Cismaan Abokor Dube, waxaan lee yahay “Jiim noom Taani.”
Wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Rooble ee aynu jaarka nahay oo ah nin ahaa bahdayadii warbaahinta Somaliland badhtamihii 90aadkii, ayaa caawa goor danbe ka jawaabay eedaha aan ka midka ahaa dadka u jeediyay xukuumadda uu ka tirsan yahay ee ku saabsan caruurta ciidan ahaan loogu qaaday dalka Ereteriya si loogu soo tababaro, kadibna looga faa’ideeyay dagaalka lagula jiro kooxda TPLF ee waqooyiga Ethiopia.
Wasiir Dube waxa uu ku sheegay dalabkii hooyooyinkii, Aabayaashii iyo walaalihii ubadkoodu ugu maqnaayeen tababar ee xidhiidhkoodu ka go’an yahay, tallaabo la doonaayo in lagu waxyeeleeyo dawladooda.
Saxaafi Cismaan Dube oohinta ka baxaysa guryaha danyarta Soomaalida ah ee ubadkooda u waayay waxaan ahayn in ay ciidamada qortaan uu ka dhigay arrin siyaasadeed oo uu ku eedeeyay qolyaha ay kuraasida isku hayaan ee ay isku garbinayaan talladda dalka.
Waalidka ka barooranaaya warbaahinta waxa ay kooxda Farmaajo uga fadhiyeen oo keliya in ay la soo hadashiiyaan ubadkoodii, islamarkaana u sheegaan xiliga ay dalka ku soo celinayaan si loogu diyaar garoobo soo dhawayntooda ee maahayn in macalin Dube uu Ilmadaa qubanaysa siyaasadeeyo.
Waxa warar kale aanu ku haynaa in dawladda Farmaajo ay u sheegtay Ereteriya in aan askartaa loo ogolaan inay wax xidhiidh ah eheladooda la soo sameeyaan tan iyo inta doorasha Soomaaliya ee madaxtinimada laga faraxalanaayo waxaana la rumaysan yahay in sababta wasiirku jawaabta u siyaasadeeyay inay tahay in aanay qorshaha ugu jirin in askartaa Ereteriya ku go’doonsan dib loo soo celiyo.
Si kastaba xaalku ha noqdee waxaan saaxiibkay lee yahay quuro kale la kaalay, tanni kaa iibsami maysee, ama Ubadkii ama qirasho dhiiga Ubaxa aad macna darada ku daadiseen maamul ahaan.