Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Iyo Wefti Uu Hoggaaminayey Oo Gaadhay Dalka Kiiiniya + Sawiro

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Iyo Wefti Uu Hoggaaminayey Oo Gaadhay Dalka Kiiiniya

 

Nairobi-13-12-2020-(MT-JSL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey, oo gaadhay dalka Kenya ayaa lagu soo dhaweeyey dalkaasi, iyadoo madaxweynaha iyo weftigiisana loo gelbiyey Hotel Kempinski.

 

waxaana madaxweynaha iyo weftigiisa garoonka ku soo dhaweeyey wasiirka beeraha Mr. Peter Munya iyo wasiiru-dawlaha arrimaha dibeda, Mr. Ababu Namwamba iyo masuuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha dibeda dalka Kenya.

 

Waxaana soo dhawaynta ka dib warbaahinta qaranka Somaliland la hadlay wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo safiirka Somaliland u fadhiya dalka Kenya Amb. Baashe Cawil Cumar iyagoo sharaxaad ka bixiyey soo dhawaynta madaxweynaha iyo kulamada ay yeelan doonaan maalinta berri ah madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo madaxweynaha dalka Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...