Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Ansixiyey Miisaaniyad Sannadeedka 2021 Oo La Horkeenay

Date:

WAR-SAXAAFADEED: 05/12/2020
Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Ansixiyey Miisaaniyad Sannadeedka 2021 Oo La Horkeenay.
 
Fadhi aan caadi ahayn oo ay yeesheen golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi , kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayey dood iyo falan-qayn dheer ka dib ku ansixiyeen miisaaniyad-sannadeedka 2021-ka oo fadhigii hore la horkeenay, miisaaniyadan oo ka kooban lix qaybood oo kala ah:
 
 Dawladda dhexe
 Dawladaha hoose
 Hay’addaha madaxa-bannaan
 SDF
 World Bank
 JPLG.
 
Cadadka oddoroska miisaaniyad-sannadeedka 2021 wuxuu dhan yahay 2,882,000,000,000 (laba tiriiliyan iyo siddeed boqol laba iyo siddeetan bilyan), waxana ay oddoroska miisaaniyad sannadeedka dawladda dhexe ka badan tahay tii hore ee 2020, 2.7% halka wadarta guud ee miisaaniyaduna ay tii 2020-ka badan tahay 2.9%, waxaanay mudnaanta siin doontaa miisaaniyaddan 2021-ku:
 
1. Amniga
2. Caddaaladda
3. Caafimaadka
4. Waxbarashada
5. Wax-soo saarka
6. Deegaanka
7. Tamarta
8. Maamul wanaaga
9. Doorashooyinka
10. Ictiraafka
 
Miisaaniyad sannadeedka 2021-ku waxay waafaqsan tahay qorshaha labaad ee qaranka, barnaamij siyaasadeedkii xisbiga Kulmiye iyo habka maamulka maaliyada ee PFM, waana miisaaniyaddii soddonaad (30) ee uu yeesho dalka Jamhuuriyadda, Somaliland, waxana loo gudbin doonaa golaha wakiillada Somaliland si ay uga gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah.
ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...