Ciyaaraha Olombikada Tokyo 2020 ayaa dib loo dhigay ilaa sanadka dambe sababta oo ah cudurka sida xun uga faafaya ee adduunka oo dhan ee Munaasabadda ah,
Ciayaaraha Olombikad oo lagu waday inay bilaabato 24ka bisha June , ayaa hadda dhici doonta “ugu dambayn xagaaga 2021”.
Raiisel wasaaraha Japan Shinzo Abe ayaa yidhi “waxaan soo jeedinay in dib loo dhigo sanad kadib iyadoo oo Madaxweynaha Olombikad IOC-da Thomas Bach
Dhacdada waxaa wali loogu yeedh Doonaa Tokyo 2020 in kasta oo ay dhacdey
2021.
Warmurtiyeed ay si wada jir ah u soo saareen, qabanqaabiyeyaasha Tokyo 2020 iyo IOC waxay ku yidhaahdeen: “Faafitaanka aan la saadaalin karin ee ka dillaacay aduunka ayaad arkaysan xaaladda adduunka intiisa kale oo ka sii daraysa.
agaasimaha guud ee Ururka Caafimaadka Adduunka, Tedros Adhanom Ghebreyesus, wuxuu sheegay in aafada Covid-19 ay ‘dardargelinayso’.
“Waxaa jira in kabadan 375,000 oo kiis oo hada laga diiwaan galiyay aduunka oo dhan iyo ku dhawaad ??dalalka oo dhan, tiradooduna wey sii kordheysaa saacad kasta
Duruufaha jira oo ku saleysan macluumaadka ay siiyeen WHO maanta madaxweynaha IOC iyo ra’iisul wasaaraha Japan waxay ku soo gabagabeeyeen in Ciyaaraha Olimbikada XXXII ee ka dhacaya Tokyo ay tahay in dib loo dhigo illaa iyo wixii ka dambeeya 2020 xagaaga 2021, si loo ilaaliyo caafimaadka ciyaartooyda, qof walba oo ku lug leh Ciyaaraha Olombikada iyo bulshada caalamka. ”
In kasta oo Ciyaaruhu ay yihiin dhacdada ugu weyn ee isboortiga oo ay saameynayso xanuunka Corona virus (covid-19)