Somaliland: Wasiirka Hawlaha Guud Oo Shirkada HASS Ku Eedeeyay Inay Jabhad Buuhoodle Ka Maalgaliso iyo Shirkada Oo Beenisay

Date:

Wasiirka hawlaha guud iyo guryaynta Cabdirashiid Ducaale Qanbi ayaa ku eedeeyay shirkada shidaalka ee HASS inay Buuhoodle ay ka maalgaliso jabhad hubaanay, shirkada oo si dhakhso ah uga jawaabtay arintan ayaa sheegtay inay wasiirka maxkamad la tiigsan doonto.

Wasiirka oo ka hadlaayay dhibaatada amaanka ee Buuhoodle iyo Jabhadaha ayaa shirkadan afka ku balaadhiyay inay qayb ka tahay amaandarada Buuhoodle, waxaanu isaga oo warbaahinta la hadlaayay uu yidhi “ Bulshada Buuhoodle degan oo markii horena dagaalo badan gashay markii danbena inta dantooda ah uun raacan wayday ninka meel ka yimaadaaba uu u soo kaadi tagaayo oo uu odhanaayo waxaas ayaan ka sameeyay,waxaan dhagaystay odayaal badan oo reer Buuhoodle ah oo kala duwan oo qabaa’ilka meesha degan ah oo ka hadlaaya in magaaladda dhibta laga daayo, waxaan arkaayay oo baryahanba Buuhoodle mar maraayay nin Baraarug la yidhaahdo oo Gaboobe ah oo isaguna u soo shax tagay, waxaan arkaayay yarkaas oo marba waxa uu u tagaa qollo dadka kala duwan ee Buuhoodle degen intaas oo askar ah ayaan idinka doonayaa intaas oo lacag ah ayaan idin siinayaa, jabhad lacag la siiyo waligay wax sheegaya maan arkin, jabhadahan Afrika markaad dabagasho badidoodu waxa loo sameeyaa sidii lacag loo heli lahaa, waxaan ogahay rag caawiya oo inta badan Xamar uga shaqayso, waxa ka mid ah nin la yidhaahdo Khurushof oo asalkiisu reer Buuhoodle yahay,waxa ka mid ah niman kale oo ilaa hada aan soo shaac bixin lagu xamanaayo oo ay HASS ka mid tahay, shirkada shidaalka ee HASS inay maalgaliyaan iyaga oo waliba ganacsato ah oo waxa ka mid ah shaqsiyaad kale.”

Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed oo ah maamulaha shirkada shidaalka ee HASS ayaa dhankiisa shir jaraa’id oo deg deg ah oo uu warbaahinta kula hadlay waxa uu sheegay inay wasiirka maxkamadaha dalka la gali doonaan “ Shir jaraa’id oo uu qabtay wasiirka hawlaha guud iyo guryaynta ee JSL Cabdirashiid Ducaale Qanbi, shirkaas oo waxyabaha uu ka hadlaayay uu ku soo qaaday shirkada HASS kuna eedeeyay jariimad, mujtamaca reer Somaliland iyo dhamaan Soomaali meel ay joogtaba ay la yaabtay oo shirkadana runtii amakaag ku noqday, aniga oo ku hadlaaya magaca shirkada HASS ahan madaxa guud ee ugu sareeya shirkada Somaliland, waxaan bushada reer Somaliland u cadaynayaa warkaas wasiirku inuu ahaa jariimad ka dhan ah shirkada HASS ayna ahayd duulaan qaawan oo wasiirku uu ku soo qaaday shirkada iyo ganacsiga, waxaan meesha ka saarayaa in haba yaraatee aanay ka jirin waxa uu wasiirku ku hadlay oo ah in magaalada Buuhoodle oo aanan anigu shaqsiyan waligay arkin meel ay ku taalo shirkadayaduna wax xafiis ah iyo wax shaqaale ah aanay ku lahayn, arintaasi waa meelkadhac ganacsi wasiirka oo u hadlaayay inuu masuul yahay inuu arintaas si aan gabasho lahayn uu ugu badheedhay shirkada waxa uu kula kacay. Waxaan rabaa inaan cadeeyo si xayndaab adag loogu dhigo shirkadaha ganacsiga iyo dhammaan maalgashadayaasha dalka oo aanay dib isaga dhicin in arintan shirkadu ay u mari doonto xeerarka iyo qawaaniinta dalka u yaala, in wasiirku uu qaadi doono masuuliyada waxa uu ku haday iyada oo aan u mari doono maxkamadaha dalka iyo xeerarka.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...