Somaliland: Hal Askari Oo lagu Dilay Galbeedka Boorame Oo Maayarka Boorama Uu Ka Hadlay Sida Ay Wax U Dhaceen

Date:

Waxaa duleedka magaalada Boorama shalay waabarigii lagu dilay askari ka tirsan ciidamada Booliiska gobolka Awdal, kaasoo ilaalo ka ahaa goob laga dhisayay kaydka biyaha Borama oo ku taala dagaanka Abuqays oo wax aan ka badnayn 10km dhinaca galbeed kaga beegan Boorama.

Wararku waxa ay sheegayaan in goobta dilku ka dhacay ee la soo weeraray ay ku sugnaayeen 2 askari, oo mid yahay marxuunka dhintay, halka uu askariga kale ka badbaaday dhacdadan.

Ciidamada Booliiska Awdal oo goobta dilku ka dhacay gaadhay ayaa la sheegay inay soo xidh-xidheen dad badan oo ka mid ah dadka degaanka uu falku ka dhacay, mana jiro war ka soo baxay saraakiishiisha booliska, marka laga reebo maayarka boorama Saleebaan Xasan Xadi oo dhacdadan u xambaariyay dadka deegaanka, kuna tilmaamay kooxda uu farta ku fiiqay inay yihiin kuwo hormarka cadaw ku ah, ama ka soo horjeeda, wxaanu isaga oo maayarku Boorama warbaahinta kula hadlaayay uu yidhi “ Askarigaasi waxa uu ilaalinaayay kanbaniga biyo galinta galbeedka magaalada Boorama shaqo qaran ayuu fulinaayay, dawladuna waa ay ku daba jirtaa go’aanka aanu qaadanayna waxa weeyaan in meelkasta oo uu galo cidii ku lug lahayd aan laga daba hadhin, in badan ayaa dadka la dhawray shacbiga lana damcay in laga dhex shaandheeyo inta xun hadaanay shacbigu tilmaami karayn kuwa xun ee ku dhex jira xukuumadu waxay goaan qaadatay inay ka dhex saarto talaabana waan ka qadaynaa, waana cid ka soo hor jeeda horumarka oo biya galintaas oo sodon sano loo qaylinaayay ay kow ka tahay oo wadadii ay bilaabmayso.”

Si kastaba ha ahaatee ma jirto cid sheegatay masuuliyada dilkan ka dhacay deegaanka Abuqays oo u dhow xadka u dhaxeeya Somaliland & Ethiopia, waxaana maydka askariga uu ilaayo hada yaala isbitaalka guud ee magaalada Borama, lama oga waqtiga la aasi doono marxuumkasi.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...