Wasiir Koore Oo Iska Indha Tiray Tacadiga Xukuumada Muuse Ku Hayso Saxaafada, Dhaliilayna Ururada Warbaahinta Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Saleebaan Cali
Wasiirku waxa uu intaa ku daray in aanu arag ururka SOLJA oo ka hadlaya qoraalada websiyada iyo qaar ka mid ah telefishanada dalku waxyaalaha ay ku hadlaan ee xadgudubka ku ah dadka oo ay soo bandhigaan, sida uu Wasiirku hadalka u dhigay.
“Xuquuqda aynu u baahanay ee qofka bani’aadamka ahi, xuquuq baad leedahay ana xuquuq baan leeyahay, dalka dawladda ayaa ka masuul ah qofka muwaadinka ah, maalin kasta qof muwaadin ah oo reer Somaliland ah ayaa xuquuqdiisa meel saxaafadu kaga dhacdaa oo aanu ka akhrinaa website-yada, oo ay ku eedeeyaan isagoon maxkamad gaadhin inuu dambigaa sameeyey, oo uu noocaa yahay, oo uu dambiile yahay.
Ma arag ururka SOLJA oo ka hadlaya website-yada iyo waxay qorayaan, Telefishanada qaarkood waxay ku hadlaan, ma arag suxufiyiinta oo leh ama ururada matala oo leh, cidaas ayaa dambi laga galay.
Waxa uu lahaa mar dhaweyd waxaanu soo gudbin doonaa suxufiyiinta dambiyadii laga galay, ma haysaan Somaliland xuquuqda Somalilanders-ka kale laga galay iyo dambiga ay saxaafadu ka gashay ma haysaan, ma la soo bandhigayaa. Ururada SOLJA iyo WIJA la mid ahi, maaha inay yidhaahdaan xigmadoodu inay yidhaahdaan suxufiyiinta uunbaanu u doodaynaa,” ayuu yidhi Wasiir Saleebaan Cali Koore.