Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay falanqayn iyo la tashiyo badan oo sharci kaddib in ay ogaatay in aanay sharci ahaan awood u lahayn kala dirista komishanka doorashooyinka.
Warsaxaafadeed afka Ingiriisiga ku qoran oo uu salaasadii shalay soo saaray wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelint Saleban Yuusuf Cali Koore, , isla markaana ah afhayeenka xukuumadda ayaa uu ku sheegay in aanu jirin sharci dastuuri ah oo dhigaya kala dirista komishanka, sidaas awgeed aanay madaxweynaha iyo baarlamaanka midkoodna awood u lahayn in ay meesha ka saaraan komishanka doorashooyinka iyada oo aanay jirin sababihii uu sharcigu ogolaa in lagu kala diri karo oo ahaa;
Gef Sharci oo ay galaan.
Waqtigooda oo dhammaada
Iyo in ay dhammaantood is casilaan.
laakiin aanay sax ahayn sida ay ku andacoonayaan xisbiyada mucaaradku ee ah in komishanka lagu kala diro go’aamo siyaasi ah. Arrintaas oo aan marmarsiinye sharci loo heli karin. Sida qoraalka lagu sheegay.
Warsaxaafadeedka waxaa lagu sheegay in xisbiyada siyaasadda ee KULMIYE, UCID IYO WADDANI ay aqbaleen soo jeedintii guddidii dhexdhexaadinta ee is xilqaamay, taas oo ahayd in komishanka hadda jooga la kala diro, lana soo celiyo komishankii hore oo waqtigoodu dhammaaday bishii noofambar 2019.
Xukuumaddu waxa ay sheegtay in heshiiskaasi uu ahaa mid lagu gaadhay xeer jajab la doonayey in lagaga baxo ismari-waaga ay abuureen xisbiyada WADDANI iyo UCID oo diiday in ay la shaqeeyaan komishanka cusub ee doorashooyinka, oo uu golaha wakiillada ansixiyey, isla markaana guddoomiyaha maxkamadda sare dhaariyey.
Laakiin xukuumadda Somaliland iyada oo ku taagan ruuxda heshiiskaas, isla markaana dhawraysa in aanay ka bixin xayndaabka sharciga ah. In markii ay xisbiyada mucaaradka la tashi la samaysay 13-kii Jeenawer ay soo jeedisay in dhammaan daneeyeyaasha arrintani ay dadaal midaysan u galaan sidii komishanka hadda ee doorashooyinka loogu qancin lahaa in ay si iskood ah isu casilaan.
Xukuumaddu waxa ay sheegtay in xisbiyada mucaaradku ay diideen soo jeedintaas, isla markaana ay diideen dhammaan fursadihii arrintan wada xajood intaas ka badan lagaga yeelan lahaa.
Waxa aanay xisbiyada ku eedaysay in ay sii wadaan waxa ay ugu yeedhay diidmadoodii doorashada iyo sarraynta sharciga, ee ay labada sano soo wadeen. Si Somaliland ay qool ugu sii hayaan geeddi-socodka dimuqraadiyadda Somaliland.
Ugu dambayntii xukuumadda somaliland waxa ay xisbiyada mucaaradka iyo daneeyeyaasha kale ugu baaqday in ay ixtiraamaan hay’adaha iyo shuruucda dalka, lana shaqeeyaan guddida doorashada ee hadda jooga, si jidka loogu xaadho inta aanu sannadka 2020 ku dhammaan, in la qabto doorashooyinka muddada dheer dib u dhacay ee wakiillada iyo goleyaasha deegaanka.