Waxa muuqata inay guuldaro ku dhammaadeen wada hadalo muddo u socday Madaxweynaha iyo xisbiyada oo la doonayay in xal lagaga gaadho ismari-waaga ka dhashay guddiga doorashooyinka.
Ergadii dhexdhexaadinta oo go’aamadii ay soo saareen dejiyeen xiisadii siyaasadeed ee dalka ka taagnayd, ayaa waxa ay xisbiyada mucaarad iyo muxaafidba sheegeen inay aqbaleen go’aamadooda oo nuxurkoodu ahaa in la kala diro guddiga doorashada ee wakhtigan oo calaamatu su’aal saareen kalsoonida lagu qabi karo dhexdhexaadnimadooda iyo in la soo celiyo guddigii hore ee doorashooyinka.
Labada xisbi mucaarad ee Waddani iyo UCID waxay sheegeen inay aqbaleen labadaas qodob, halka uu xisbiga KULMIYE iyo xukuumadiisuna sheegeen inay aqbaleen balse ay fulintiisa u marayaan jid sharci ah, waxaana markaas bilaabmay isu soo dhawaanshaha madaxweynaha iyo labada guddoomiye mucaarad oo ka hor go’aamada guddiga aad u kala fogaa.
23 December ayay Madaxweynaha iyo mucaaradku yeesheen kulankoodii u horeeyay oo ku qabsoomay jawi degen, waxaana la iskula qaatay saddex qodob oo nuxur ahaan ahaa
In si wada jira ay hoggaanka axsaabta qaranku uga wada shaqeeyaan waqtiga ugu suurta galsan ee doorashadu ku qabsoomi karto.
– In sadexda xisbi qaran ka hawl galaan dhammaystirka caqabadaha ku gedaaman qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka.
– In si wada jira sadexda xisbi qaran u guda-galaan soo jeedintii odayaasha ee arrimaha doorashada.
Maalintii ku xigtay ee 24 December wuxuu Madaxweyne Biixi kulan la yeeshay guddiga doorashooyinka, waxaanay sida ay madaxtooyadu sheegtay uu Madaxweynuhu guddiga doorashada kala hadlay qabsoomida doorashooyinka iyo caqabadaha hortaagan oo ay madaxtooyadu sheegtay inay iyaga laftoodu [guddiga doorashadu] ka mid yihiin, waxaanu Madaxweynuhu ku taliyay in deg deg looga gudbo dhammaanba dareenada wixii turunturooyin ah ee doorashooyinka hortaagan.
26 December wuxuu Madaxweyne Biixi kulan labaad la yeeshay madaxda mucaaradka ee Faysal iyo Cirro, waxaana markii uu shirku dhammaaday wada jirs saxaafadda ula hadlay Madaxweyne-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici iyo guddoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan Cirro oo wada jir u sheegay in Madaxweynuhu qabsaday ilaa 10 January si uu u dhammeeyo wixii caqabado ah ee hortaagan fulinta labadii qodob ee guddigii dhexdhexaadintu soo saareen.
Ka sokow hadalka Madaxweyne-xigeenka iyo Cirro, waxa banaanka u soo baxay warar sheegaya in intii uu kulanku socday ay Madaxweyne Biixi iyo Faysal Cali Waraabe hadalku ka taag-taagmay, wixii maalintaas dhex maray Madaxweynaha iyo Faysalna, waakan Faysal sheegay Isniintii toddobaadkan.
Inkastoo ay dadka badankooda gashay rajo ah in uu Madaxweyne Biixi si rasmi ah u fulinayo labadii qodob ee ergada si uu muranka siyaasadeed meesha uga baxo, maadaama oo madaxweye-xigeenkii saxaafadda arrintan u xaqiijiyay, haddana dad badan oo siyaasadda falanqeeya ayaa saadaalinayay inay adagtahay in Madaxweyne Biixi fuliyo labadaas qodob, waxaana ay shirar kala duwan oo aanay warar rasmi ahi ka soo bixin laaakiin la sheegay in doodoodu adkayd dhex mareen Madaxweyne Biixi iyo hoggaanka xisbiga KULMIYE ee uu odayga ka yahay, kuwaas oo wararka ka soo baxayaa ay sheegayaan inay qabeen rayi ah inaanu Madaxweynuhu fulin labada qodob ee ergada dhexdhexaadinta.
Ugu dambayn kulankii la wada sugayay ayaa wuxuu dhex maray Madaxweyne Biixi iyo madaxda mucaaradka Isniintii toddobaadkan, waxaanu kulankaasi ku dhammaaday natiijo la’aan ka dib markii uu Madaxweyne Biixi u sheegay madaxda mucaaradka inaanu haynin sharci uu ku kala diro guddiga doorashooyinka.
Waxa muuqata inuu quus ku soo dhammaatay kulankii indhaha lagu wada hayay ee la filayay in si rasmi ah loogu soo gunaanado khilaafaadka siyaasadeed ee dalka ka taagan oo la fuliyo labadii qodob ee ergada dhexdhexaadintu soo saartay, waxaana suurtogal ah inuu imika dib u istaadhmo ismari-waagii xukuumadda Madaxweyne Biixi iyo mucaaradka.
Fulin la’aanta labadaas qodob iyo ismari-waaga xukuumadda iyo mucaaradkuna wuxuu dalka ku yeelanayaa saamayn dhawr nooc ah oo ay ka mid yihiin kala qaybsanaanta bulshada iyo wada shaqayn la’aanta mucaaradka iyo xukuumadda oo sii xoogaysata iyo saamayn dhinaca dibadda ah maadaama oo ay dalalka beesha caalamka ee taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland Madaxweynaha ka codsadeen in la fuliyo labadii qodob ee ergada dhexdhexaadintu soo saartay oo ay u sacabo tumeen.
Si kastaba ha ahaate, shacabka Somaliland oo labadii sannadood ee u dambeeyay arkaayay khilaafaadka xukuumadda iyo mucaaradka ayaa qaba walaac ah in muranka siyaasadeed uu saamayn ku yeelanayo nolosha shacabka Somaliland oo marka horeba la daalaa dhacaya duruufo kala duwan.