Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay dawladda Itoobiya ku soo wargelisay in si dhaqso ah loo soo magacaabayo qunsulkii dawladda Itoobiya u fadhiyay Hargeysa oo ay jagadiisu banaantahay dhawrkii bilood ee u dambeeyay.

Wasiirka arrimaha dibadda Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo uu waraysi gaar ah la yeeshay wargeyska The Reporter ee ka soo baxa magaalada Addis Ababa, ayaa wuxuu mar kale meesha ka saaray oo uu fikir shakhsi ku tilmaamay hadal ay wargeyskan The Reporter hore u siiyeen agaasimayaasha wasaradaha arrimaha dibadda iyo warfaafinta iyo masuuliyiin kale oo walaac ka muujiyay siyaasadda dawladda Itoobiya ee gobalka.