Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa  waxaa uu maanta gurigiisa uu kula kulmay qaar ka mid ah saladiinta iyo madax dhaqamedka Beelaha Garxajis .

Kulankan ayaa waxaa lagaga wada Hadley isla markaana ay saladiintu madaxweyne Biixi ka codaseen in uu cafis u fidiyo Korneyl Caare iyo Jabhadiisa

Madaxweyne Biixi ayaa si cad u sheegay in uu cafiyo Ciidanka Caare la socda balse aanu sharcigu u ogaleen in uu sidaas si la mid ah u cafiyo Korneyl Caare

Madaxweynaha ayaa soo jeediyey In madax dhaqameedku ay la yimadaan dariiq kale oo  Caare lagu cafiyo taas oo uu tusaale u soo qaatey  in qofka danbigaas  oo kale laga cafinaayo in uu marka hore xidhan yahay isla markaana danbi in uu sameeyey uu qirto isla markaana uu cafis dalbado