Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu maanta gurigiisa uu kula kulmay qaar ka mid ah saladiinta iyo madax dhaqamedka Beelaha Garxajis .
Kulankan ayaa waxaa lagaga wada Hadley isla markaana ay saladiintu madaxweyne Biixi ka codaseen in uu cafis u fidiyo Korneyl Caare iyo Jabhadiisa
Madaxweyne Biixi ayaa si cad u sheegay in uu cafiyo Ciidanka Caare la socda balse aanu sharcigu u ogaleen in uu sidaas si la mid ah u cafiyo Korneyl Caare
Madaxweynaha ayaa soo jeediyey In madax dhaqameedku ay la yimadaan dariiq kale oo Caare lagu cafiyo taas oo uu tusaale u soo qaatey in qofka danbigaas oo kale laga cafinaayo in uu marka hore xidhan yahay isla markaana danbi in uu sameeyey uu qirto isla markaana uu cafis dalbado