David Luiz ayaa sheegay inuu ka tagay Chelsea ka dib markii uu wadahadal la yeeshay tababaraha Blues isagoo sheegay in kala feker duwanaanshahooda inay keentay inuu aado Arsenal.
32 jirkaan ayaa heshiis 8 milyan ginni ah ugu wareegay kooxda Arsenal horaantii bishaan.
Kooxda Gunners ayaa maalintii ugu danbeysay suuqa kala iibsiga Ingariiska la soo wareegtay daafaca khibrada leh ka dib markii uu ka tagay kabtankoodii Laurent Koscielny.
Luiz ayaana soo gabagabeeyay waqtigii labaad ee uu ka ciyaaray Stamford Bridge isagoo qiray inuu arkay inuusan qeyb ka aheyn qorshaha tababare Lampard.
Isagoo la hadlayay ESPN Brasil ka dib markii uu kulankiisii ugu horeysay u saftay Arsenal oo ay 2-1 kaga badiyeen Burnley, waxa uu yiri:
Aad ayaan ugu faraxsanahay kulankeyga ugu horeeya.
“Waa tartan ku cusub waayaheyga ciyaareed, waxaan qaatay go’aan ah inaan u dagaalamo waxyaabo cusub islamarkaana aan ku riyaaqo sida ugu macquulsan.
“Wadahadalkii aan yeeshay Frank Lampard, waxaan aheyn kuwa ku kala aragti duwan qorshihiisa sannadka. Sidaasi darteed si daacadnimo ah ayaan u wadahadalnay, waxaana uu ii cadeeyay in fekradihiisa ay ka duwan yihiin kuweyga.
“Sidaasi darteed waxaan helay fursad ah inaan ku biiro Arsenal oo koox weyn ah.”
Haddii Luiz uu sii joogi lahaa Chelsea xilli ciyaareedkan waxa uu noqon lahaa daafaca afaraad ee koox uu 248 kulan u saftay labo jeer uu u dheelay.
Kurt Zouma iyo Andreas Christensen ayaa ku soo bilowday xilli ciyaareedkan iyadoo Antonio Rudiger uu ka soo laabanayo dhaawac.