Somaliland: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Shacabka Ugu Bushaareeyey Dhammaadka Shaqaaqaddii Ka Taagnayd Deegaanno Ka Tirsan gobolka Sanaag

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay shaqaaqada colaadeed ee muddada ka taagnayd deegaanka Ceel-Afweyn iyo guud ahaanba gobolka Sanaag, waxana uu bulshada ugu bushaareeyey inay arrintaasi marayso marxalad farxad iyo yididiilo badan.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo maanta ka hadlay mashruuc ay shirkadda Dahabshiil dalka ku keenayso gaadiid casri ah, ayaa bulshada ugu bushaareeyey in laga gudbay dhammaanba caqabadihii hor taagnaa colaadahaas, marka laga tago waafajinta heshiiska ee dhinaca sharciyadda, waxana isaga oo arrintaas ka hadlaya uu yidhi, “Arrinta Ceerigaabo nabad baa ka jirta, warwarna kama qabno inay nabad ku dhammaanayso, dadkaa halkaas isugu tegay, kuwa sii joogay iyo kuwa u tegayba dhammaanteen waxa aynnu heshiis ku nahay inay arrintaas nabad ku dhammaato oo ay islaax dhexdeenna ah ku dhammaato oo aanay waxba inaga duul duulin, sidii sharciga loo waafajin lahaa uun baa la is weydiinayaaye, maanta halkaas khilaaf ka taagan oo la isku diiddan yahay dawlad, odayaal iyo dhallinyaradeennii cadhootay midna ma jirto, qodobbo yar yar uun baa la xallinayaa sidii sharciga loo waafajin lahaa, taana ka war war la’aada nabad bay kusoo dhammaanaysaaye, dalkuna waa nabad.”

Hadalka madaxweynaha, ayaa daba socda isku dayo ay muddooyinkii ugu dambeeyey ku hawlannaayeen madax-dhaqameed iyo waxgarad reer Somaliland ah oo u guntaday sidii colaadda gobolka Sanaag loo soo afjari lahaa, kuwaas oo garab iyo wada-shaqaynba ka helay xukuumadda iyo guud ahaanba maamulka gobolka Sanaag.

Wa-bilaahi Tawfiiq

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...