Somaliland: Madaxweyne Muuse Biixi Oo Tanaasulkii Laga Waayey Ka Dalbaday Mucaaridka, Saansaanta Mudo Kordhin Kalena Shaaciyey

Date:

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Tanaasulkii Laga Waayey Ka Dalbaday Mucaaridka, Saansaanta Mudo Kordhin Kalena Shaaciyey
Madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa xisbiyada mucaaridka ah ka dalbaday inay u diyaar garoobaan doorashooyinka.

Madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlayey munaasibad ka dhacday madaxtooyada somaliland ayaa labada xisbi mucaarid ugu baaqay inay muhiimada koowaad siiyaan qabsoomida doorashooyinka, isaga oo xusay inay soo dhawaatay wakhtigii sharcigu dhigayey in mudo kordhin laga dalbado golaha guurtida.

Madaxweyne Muuse oo la hadlaya xisbiyada mucaaidka ah ayaa waxa uu yidhi “Xisbiyada mucaaridka ah waxaan leeyahay saaxiibayaal wakhtigii doorashadu hadii ay inaga gaadho bisha August 10-keeda, sharciga waxa uu dhigayaa in loo gudbiyo guurtida caawana waxaynu joogna 20-ka July waxaana inoo hadhay 20 cisho iyada oo murankeenu yahay laba halagu daro gudida doorashada iyo yaan lagu kordhin, horta ma waxa inoo muhiim ah in laba qof lagu daro gudida doorashada mise in doorashadu inoo dhacdo ayaan waydiinayaa saaxiibaday.”

Madaxweyne Muuse Biixi oo hadalkiisa sii wata ayaa meesha ka saaray dooda ay qabaan xisbiyada mucaaridku ee la xidhiidha in la kordhiyo gudida doorashada waxaanu yidhi “Waxaan leeyahay laba qof halagu kordhiyo oo imika sharci hala bilaabo macquul maaha, maantana aynu ku galno sharcigu sida uu yahay, marka aynu dhamayno baarlamaanka aynu ku darsano labada laakiin 20 cisho sharci hala furo oo halaga doodo maxaa loo kordhinaya oo baarlamaan haloo geeyo codna hala galiyo taas doorashadu way inagaga xumaanaysaa oo gaadhi mayno.”

Sidoo kale madaxweynaha somaliland ayaa labada xisbi mucaarid u dirnay codsi u muuqda inuu kaga dalbanayo inay tanaasul sameeyaan waxaanu yidhi “Labada xisbi waxaan u soo jeedinayaa dalku doorasho ayuu u baahan yahay, labadaas xubnood ee aad doonaysaan maalinta aynu doorashada ka baxno ajandaheena u horeeya ha noqdaan maantana hadaynu hawshaas galno ka bixi maynee waxaan soo jeedinayaa inaynu doorashadii galno oo aynu ka gudubno waxani ma findhicilbaa mise maaha hadalkiisana la xidho.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...