Somaliland: Madaxweyne Muuse Biixi Oo Sharaxaad Ka Bixiyey Halka Somaliland Ka Taagan Tahay Gudida Farmaajo U Magacaabay Wada Hadalka

Date:

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Sharaxaad Ka Bixiyey Halka Somaliland Ka Taagan Tahay Gudida Farmaajo U Magacaabay Wada Hadalka

Madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay guddida uu madaxweynaha soomaaliya u magacaabay wada hadalka soomaaliland.

 

Madaxweyne Muuse oo ka hadlayey kulan casho sharaf ah oo uu madaxtooyada ugu sameeyye dublamaasiyiin iyo qoraayo caalami ah oo ka qayb galaya bandhiga buugaagta Hargeysa ayaa sheegay in gudidaasi aanay khusayn somaliland waxaanu yidhi “Maalmahan waxa jira guddi laga magacaabay dawladda Muqdisho oo uu magacaabay madaxweynaha Soomaaliya, guddiga marka la magacaabayo waxa ka horreeya ujeeddada loo magacaabay iyo hawsha loo dirayo, hawsha guddidaas loo diray waa laba qodob, labadaas qodobna midna Somaliland ma khuseeyo, mar haddaanay khusaynna Somaliland ahaan wixii gudahooda ah farogelin maynno.”

 

Sidoo kale madaxweyne Muuse Biixi waxa uu sheegay in madaxweynaha soomaaliya kordhiyey cadaawad uu tilmaamay inuu somaliland u hayo, waxaanu yidhi “Tabashada cidda wax ka tabanaysa iyo walaalaha la joogaa waa inta isaga la joogta ee u shaqaysa, markaa hadday inta isaga u shaqaysaa wax ka tabanayaan isagay u taallaa, laakiin Somaliland intii uu madaxweyne Farmaajo xilka yimi waxa ay kala kulantay cadaawad aan hore loo arag 28-kii sanno, kala bixii Somaliland iyo Soomaaliya,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu gef iyo gardarro ku tilmaamay in madaxweynaha maamulka Muqdisho uu guddiyada uu magacaabay kusoo daro xubno dhalasho ahaan kasoo jeeda Somaliland, waxana uu tilmaamay inaanay Somaliland meteli Karin shaqsiyaad iskood u shaqo tegay oo aan cidna metelini, waxana isaga oo arrintaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxa kale oo deelqaaf ah oo aan caqliga gelin guddi buu magacaabay oo uu yidhi Somaliland baannu doonaynaa inaannu lasoo heshiinno, rag Somaliland u dhashay oo isaga la joogana wuu soo magacaabay, taas macnaheeduna waa Somaliland aniga ayey ila joogtaa, hubaashuna waa dadka kula joogaa waa dad Somaliland u dhashay, laakiin aan wadin qaddiyaddii Somaliland iyo go’aankii Somaliland, mana dhici karto inay Somaliland u hadlaan dad Farmaajo u shaqeeyaa, waxase u hadli doona dadkeeda xilalkeeda haya ee ummaddani dooratay ama ay igmatay inay u hadlaan.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...