Ganacsatada Somaliland ee Xoolaha u Dhoofiya Cumaan oo Lagu Qasbay inay Oggolaanshaha u Doontaan Boosaaso
Qaar ka tirsan Ganacsatada reer Somaliland ee Xoolaha u dhoofiya waddamada Carabta, ayaa caqabado hor leh waajahaya, ka dib markii ay culays iyo cadaadis xooggan saareen qaar ka tirsan iskaashatada Xoolaha dhoofisa ee reer Puntland ee ku dhaqan dalka Cuman, ka dib markii ay kooto ku xidheen in iyaga keliya ay cidda xoolo u dhoofinaysa Cuman ka qaateen.
Inkasta oo ay ganacsatada reer Somaliland is-adkeeyeen oo ay diideen qorshahaas reer Puntland ay u daba-fadhiisanayaan oggolaanshaha xoolaha loo dhoofiyo Cuman oo ka mid ah dalalka Khaliijka Carabta, ee ay Dekedda Berbera ka rari jireen, haddana waxay qaarkood ku qasbanaadeen oo ay aqbaleen markay xal kale waayeen inay oggolaanshaha xoolaha ay Cumaan u dhoofiyaan weydiistaan ganacsatada reer Puntland ee iyaga qorshohoodu hirgelay, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen xubno ka tirsan ganacsatada oo dalka gudihiisa iyo dibeddiisa ku kala sugan, kuwaas oo codsaday inaan magacyadooda la shaacin.
Sida ay warbaahintu ogaatay, Suuqa koobaad ee loo dhoofiyo Xoolaha Soomaalida oo Somalilandna marin muhiim ah u tahay, ayaa ah Boqortooyada Sucuudiga, Suuqa labaad ayaa Yemen ah iyo Suuqa saddexaad ee dhoofka Xoolaha oo dalka Cumaan ah, isla markaana Xoolo lagu qiyaaso 10,000 (Toban kun) oo Dibi oo ka dhoofa Dekedda Berbera, ayaa bil kasta la geeyaa dalka Cuman. Hase-yeeshee, nasiib-darro kama faa’iidaystaan Dadka reer Somaliland fursaddaa, ee waxa ka faa’iidaysta ganacsatada reer Puntland, kuwaas oo iyaga iyo wakiillo Hargeysa iyo Berbera u joogaa culays badan oo dhanka gaadiidka ah ay saareen ganacsatada reer Somaliland, sida ay xubno si dhaw ula socdaa warbaahinta u xaqiijiyeen.
Arrintan, ayaa lagu soo warramayaa inay ka dambaysay Dallad guud oo ay samaysteen Iskaashatada xoolaha u dhoofiya Cuman ee reer Puntland, taasoo go’aamisay inaan loo oggolaan qofka ganacsadaha ah ee reer Somaliland inuu Xoolo ka dhoofiyo Berbera oggolaanshahooda la’aantii. Iskaashatadaasi waxay dejisay qorshe iyo nidaam lagaga hortegayo inay ku soo biiraan ganacsatada reer Somaliland Suuqa dhoofka Xoolaha ee dalka Cumaan.
Waxaana ka mid ah: Oo Taasi kelliftay qofka raba inuu Cumaan xoolo u diro inuu la hadlo oo waliba baryo amma cid garasho u maro Nin Boosaaso joogaa inuu u oggolaado inay xoolihiisu Berbera ka dhoofaan oo Doonta loo saaro, haddii uu diidana ganacsadaha reer Somaliland waxa qasab ku noqonaysa inuu xoolihii uu watay Berbera kaga iibiyo markuu waayo Doon u qaadda.
Waxay beddeleen nidaamka caafimaadinta Maxjarrada, taas oo macnaheedu yahay inay maxjarradii loogu talo-galay caafimaadinta xoolaha ka dhigeen goob danahooda loogu adeego. Hannaanka caafimaadinta Xoolaha waxa weeye in Maxjarrada muddo lagu caafimaadiyo, deedna laga raro.
Hase-yeeshee, taas beddelkeeda waxa dhacda in xoolaha ganacsatada reer Somaliland maxjarrada joogaan 30 maalmood illaa 45 cisho, halka xoolaha ganacsatada reer Puntland ay xoolohoodu joogaan hal amma 2 maalmood, mararka qaarkoodna saacado kooban oo gaadhiga Wajaale ka soo qaaday Doonta ku wareejiyo, iyagoon maxjarka galinba . Arintaasi oo mustaqbalka fog saamayn kuleh sida laysugu hallayn karo caafimaadinta maxjarrada dalka ee Berbera ku yaalla, maaddaama oo aan loo sinayn.
Caqabadaha kale ee ay ganacsatadan reer Somaliland wajahayaan waxa sii adkeeyey oo iyaduna caqabad kale ah, Gaadiidka Badda ee ee ugu badan ee Cumaan xoolaha geeyaa, ayaa Doonyo ah, iyadoo la ogyahay in Shixnadaha ugu badan ee Berbera yimaaddaa Maraakibi keento oo ay Berbera Doonyuhu ku yaryihin, waxa badanka laga soo kiraystaa Boosaaso iyo Yemen.
Dillaalinta Doonyaha badankooduna waa reer Puntland, waxaanay heshiis ku gaadheen in markasta ganacsatada reer Puntland laga horreysiiyo cid walba oo kale. Tusaale haddii Maxjarka xoolo ku jireen 2 bilood oo ganacsatada reer Somaliland leeyihin, waxa ka horraynaya mararka qaar oo laga hor mariyaa amma laga hor raraa kuwa 1 maalin ku jiray maxjarka ee reer Puntland leeyihin.
Arrintan, ayaa timi ka dib, markii dowladda Sucuudigu soo saartay qoraal ay Somaliland iyo Ganacsatada xoolaha ka rara-ba kula socodsiisay inaanay aqbali doonin Xoolo Somaliland ka dhoofa oo aan wadan warqadda caddaynta caafimaadinta ee ay bixiso wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Federaalka Soomaaliya. Balse Xukuumadda Somaliland, ayaa ku gacan-saydhay shuruuddaa Sucuudigu ku xidhay xoolaha ka dhoofa dekedda Berbera.
Diidmada dowladda Somaliland, waxay sababtay in Markab toddobaadkii hore dekedda Berbera Xoolo ka qaaday, bilawgii toddobaadkan lagu xannibay dekedda magaalada Jidda ee dalka Sucuudiga, iyadoo wasaaradda Xoolaha u qaabbilsan Sucuudigu ku xidhay shuruudda ay hore u shaacisay ee ah inaanu Warqaddii oggolaanshaha ka haysan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, kaas oo muddo dhawr maalmood ah xannibnaa, ayey Xukuumadda Somaliland sheegtay maanta in la dejiyey Xoolihii Markabkaas saarnaa, waxaanay beenisay inay dowladda Soomaaliya oggolaatay amma codsatay in warqad la’aan lagu dejiyo Xoolahaas.
Hase-yeeshee, warar xog-ogaal ah oo warbaahintu helayso, ayaa sheegaya in Sucuudigu wadahadallo dhinacyada Somaliland, Soomaaliya iyo Ganacsatada Carbeed iyo kuwa reer Somaliland ee xoolaha lahaa iyo dowladda Sucuudiga dhex-maray lagu dejiyey shixnadda Markabkaas warqad la’aan, iyadoo dowladda Sucuudigu ku adkaysatay in wixii markabkaa ka dambeeya aanay aqbali doonin in dalkeeda la geeyo Xoolo aan warqadda oggolaanshaha amma caddaynta caafimaadka ka sidan dowladda Soomaaliya.
Xukuumadda Somaliland, geesteeda warka ay maanta golaha wasiirradu soo saareen kumay sheegin in xooluhu toos u tegi doonaan Sucuudiga xilligan Mooshinka Xajku bilaabmayo, balse waxa war-saxaafadeedka golaha wasiirrada lagu xusay in Xukuumadda Somaliland Suuqyo kale oo cusub u raadin doonto xoolaha.