Somaliland: Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Cambaareeyey Weerar Siyaasadeed Iyo Mid Dhaqaale Oo Ay Somaliya Ku Eedeyeen Inay Ku Soo Qaadey

Date:

Kal-fadhi aan caadi ahayn oo ay golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, maanta yeesheen oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici), ayaa lagu lafo-guray weerarka siyaasadeed iyo dhaqaale ee maamulka muqdisho ku hayo Jamhuuriyadda Somaliland, oo ay ugu danbaysay dacwaddii iyo dagaalkii ay u galeen sidii aanay xoolaha Somaliland u dhoofi lahayn, taasoo markhaati cad u ah carqaladaynta dhaqaalaha somaliland, balse dedaal dheer oo dawladda Somaliland ka gashay sii daynta xoolahaasi ay ka degeen dalka sucuudiga.

Golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu cambaaraynayaa weerarrada joogtada ah ee maamulka Xamar ku bartilmaameedsanayo horumarka Somaliland, taasoo muujinaysa cadaawadda aan gabbashada lahayn ee ay shacbiga Somaliland u hayaan.

Waxa aan marnaba qarsoonayn is hortaaggii badheedhka ahaa ee ay maamulka Muqdisho isku dayeen in xoolo ka dhoofa dekeddaha Somaliland aanay ka degin dalka Sucuudiga. Balse waxa ayaandarro ah inay guuldarradaas ka dib sheegato Xamar, guusha Somaliland xoolaheeda ku geysay dalka Sucuudi Carabiya.

Dawladda Somaliland waxay si ballaadhan ugu mahadnaqaysaa dawladda boqortooyada Sucuudi Carabiya  tallaabada geesinnimada leh ee ay ka qaadatay dejinta markabkii siday xoolaha ka dhoofay Somaliland kuna garawsatay muhiimadda isu socodka ganacsiga labada dal.

Haddaba, dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo ka duulaysa iibgeynta laf-dhabarta dhaqaaleheeda ee xoolaha nool waxa ka go’an  inay dedaal u gasho helidda suuqyo ganacsi oo cusub, iyadoo sii xoojin doonta xidhiidhadii ganacsi ee hore.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...