Somaliland: Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo Shaaciyay In Aanu Madaxweynuhu Socdaal Ku Tagi Doonin Dalka Sweden

Date:

Xukuumadda Somaliland ayaa beenisay, waxba kama jiraana ku tilmaamantay socdaalka la sheegay inuu Madaxweyne Muuse Biixi uu ku tagaayo Dalka Sweden.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale ka hadlay xidhiidhka Somaliland iyo Beesha Calaamka, iyo kala duwanaasha Somaliland iyo Somaliya, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka jawaabay socdaalka Madaxweynaha ee dalka Sweden “Socdaal hadda uu Madaxweynuhu ku tagaayo dalka Sweden ma jirto, Dalka Sweden iyo dalka kaleba Madaxweynuhu uu tagi karaa, marti qaadna uu ku tagi karaa, xidhiidhka wacan ee inaga dhexeeya uu ku tagi kara hadba dalka aynu danteena moodno, laakiin socdaal rasmiya oo hadda jira oo uu Madaxweynuhu ugu baxayo Sweden ma jiro”.

Mar uu ka hadlaayey xidhiidhka Somaliland iyo Beesha Caalamka iyo kala duwanaasha Somaliland ayaa yidhi “Xidhiidh aad u fiican baa inaga dhexeeya Wadamada kale duwan ee Calaamka, ha noqdaan Wadamada jaarka iyo Wadamada kale ee Caalamkaba, waxaana jecel nahay mar walba in aanu hagaajino xidhiidhka inaga dhexeeya Caalamka, dhab ahaana Caalamka wuxuu aad ugu bogay heerka aynu ka gaadhnay dhismaheena Dawladnimo, Dimuqraadiyada Doorashooyinka iyo kala dambaynta dalkeena ka jirta”.

Mar uu ka hadlaayey kala duwanaashaha Somaliland iyo Somaliya ayaa yidhi “Somaliland waa dal madax banaan, oo nidaamkiisa Dawladnimo u dhan yahay, waxaana dalka ka Madaxweynaha Muddane Muuse Biixi Cabdi, oo ah Madaxweyne si xor iyo xalaal ah loo doortay, oo Shacabkiisu u doorteen, waana Madaxweyne diyaar u ah inuu qarankiisa wax walba u qabto, Somaliland waa dal leh Madaxweyne, Golayaasha kala duwan ee Dawladnimada, Ciidan, Calan iyo Lacag u gaar ah, shuruud kasta oo aqoonsiga inagaga xidhana weynu buuxinay, halka Somaliya aynu ognahay qaabka loo doorto Madaxweynaha hadba ka taliya, markaas Maamulka Somaliya waxaanu leenahay isku xaalad iyo isku heer ma joogno, ha isku kaaya mashquulina, maxaa yeelay hadafka shacabkaygu waa sidii aynu aqoonsi caalamiya u heli lahayn, Xukuumad ahaana dadaalkeedii waanu wadnaa, ee Maamulka Somaliya waxaanu leenahay idinku dalkiina hagaajista, waxbana nagu yeeli maysaan xaasidnimo iyo wax la mid ah ee jaarnimadu ha inaga dhexeeyso, oo aynu ahaano laba dal oo jaar ah,Shacabka Somaliland meel kasta oo ay joogaan waxaan leeyahay mar walba muujiya qadiyadiina, iyo qaranimadiina”.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...