Somaliland: Madaxweyne Muuse iyo Xildhibaano Katirsan Golaha Deegaanka Hargeysa Oo Ka Arinsadey Duruufaha Caasimada iyo Dareenka Ku Xeeran

Date:

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii u horeysay kulan khaas ah la Qaatey,

Xildhibaano Katirsan Xubnaha Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa kulankaas, oo ahaa mid Albaabadu u Xidhnaayeen Islamarkaana, Aaney habayaraatee Goob joog ka aheyn Maayarka Caasimada Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid(Soltelco), iyo Kuxigeenkiisa Cabdicsiis Cagaweyne, Waxa uu Nuxurkiisu Daarnaa Dayaca Caasimada Hargeysa, iyo Duruufaha Xasaasiga ah ee ku Gedaaman iyo Waliba Sida aaney Xil iskaga Saarin Maamulka Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa.

Kulankan oo Dareen gaar ah ulahaa Xubnahan Kooban ee Xildhibaanada Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa,ee Madaxweyne Biixi la Qaatey Kulanka gaarka ah oo iyaggu ahaa Xubno , Aan hore Muddo Xileedkii Golahani Soo Qaatey Habayaraatee lagu arrag Shaashadaha iyo Isdabayaacii Inta ugu badan ee Xubnaha Golaha Deegaanka Caasimadda, Sidoo kalena, Wakhti Xaadirkan loo Tuhmey in lagala Tashaddo Sidii looga Gudbi lahaa Shucuur La.aanta Maayarka iyo Kuxigeenkiisa iyo Dhibaatooyinka Culus ee ay Dugsaneyso Caasimada Hargeysa.

Sida ay ilo Xogogaal ah sheegeeb Waxa ay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Xubnaha Xildhibaanadda Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa ee kualnkan la Qaatey natiijadii kulankan isla Qaateen, in Talaabo Degdeg ah lagaga Jawaabo Duruufaha Wakhtigan ka Taagan Caasimadda Hargeysa, iyo Sida loo Waajahayo, Xalkii lagaga Gudbi lahaa taas, oo ay u balameen in Madaxweynaha iyo Golaha Deegaanku Sidii ay go,aan adag uga wada qaadan lahaayeen.

Maayarka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid(Soltelco), iyo Kuxigeenkiisa ayaa Muddooyinkii u Dambeeyay tan iyo intii Roobabka Waaweyni ka Da,een Caasimada Hargeysa Waxa sigaar ah Loogu Suntey, in aaney habayaraatee, Labadaa Masuul midkoodna ka Muuqanin Shucuurta Dhibaatooyinka iyo Khasaaraha ka Dhashey Roobabka oo Roobkii Dabayaaqadii Bishii Ramadaan Ka Da,ay Caasimada Hargeysa ay ku qudhbaxeen Dad gaadhaya Toddoba Qof kuna Dhaawacmeen Tobaneeyo Qof halka Burbur badan iyo Dhismayaal badanina ku baaba,een Laakiin aan Maamulkani habayaraatee laga arrag Masuuliyadii ayku.lahaayeen Dhacdadan Marka laga taggo Suudh ay Ku labisnaayeen iyo Qosolka ay La Wadaagayeen Madaxweynaha iyo.Wasiiradii Lasocdey.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...