Somalia: Dalwada Soomaaliya Oo Xukuumada Sweden Wax Ka Weydiisay Socdaal La Filayay Inuu Madaxweyne Muuse Biixi Ku Tago Dalkaas

Date:

Dawladda Sweden ayaa dawladda Soomaaliya ku wargelisay inaanay wax shaqo ah ku lahayn socdaal la filayay in Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi uu ku tago dalka Sweden, laakiin hadda ay cadaatay inuu baaqday.

Xildhibaan Magnus Oscarson ayaa qoraal uu baahiyay wuxuu ku sheegay in Madaxweyne Biixi Sweden tagi doono toddobaadkan.

Warar xogogaala ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay inay dawladda Soomaaliya xidhiidh la samaysay safaaradda ay Sweden ku leedahay Nayrobi iyo weliba xarunta wasaaradda arrimaha dibadda ee Sweden oo ay ka dalbatay inay faahfaahin ka siiyaan socdaalka Madaxweyne Biixi, waxaanay sida ay xogahani sheegeen ay dawladda Sweden ku wargelisay dawladda Soomaaliya inaanay ka xukuumad ahaan wax lug ah ku lahayn socdaalka Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi, balse ay socdaalkaas ka shaqaynayeen jaaliyadda Somaliland iyo dad la shaqeeya oo aanay Sweden magacaabin kuwa ay yihiin.

Madaxweyne Biixi oo hadda ka baaqday socdaal la filayay inuu maalmahan ku tago dalka Sweden, ayaa waxa socdaalkiisa qaban qaabinayay xildhibaan Magnus Oscarson oo ka tirsan Baarlamaanka Sweden kana mid ah golaha saaxiibada Baarlamaanka Sweden iyo Soomaalida, waxaanu sida uu xikdhibaanku ku sheegay qoraal uu soo saaray la filayay in Madaxweyne Biixi kulan uu xildhibaankani abaabulayay ka jeedin doonaa mawduuc ku saabsan sida ay Somaliland ugu suurtogashay inay dimuqraadiyad hirgeliyaan iyadoo ay dalalka kale ee gobalka Geeska Afrika ku fashilmeen inay dalalkooda dimquraadiyad ka hirgeliyaan.

Xubno ka tirsan golaha wasiirada oo uu ka mid yahay wasiirka arrimaha dibadda ayaa la filayaa inay maalmahan tagaan dalka sweden oo ay ka qayb galaan kulankaas la filayay in madaxweyne Biixi ka qayb galo ee uu ka baaqday.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...