Somalia: Ra’iisul wasaare Khayre Oo u Ambabaxay Dalka Qatar

Date:

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa galinkii hore ee Sabtida  maanta u ambabaxay magaalada Dooxa ee xarunta  dalka Qatar.
Faahfaahin badan lagama bixin booqashada uu ra’iisul wasaaraha ugu baxay dalka Qatar, balse qoraal kooban oo uu baahiyay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa la sheegay kulamo looga hadlayo xoojinta xiriirka labada dal inuu la yeelan doono mas’uuliyiinta dalkaasi.
Socdaalka uu dalka uga baxay ra’iisul wasaare Khayre ayaa ku soo aaddaya iyada oo uu dalka Sacuudiga ku suganyahay madaxweyne Farmaajo oo halkaa uga qeybgalay shirka ururka iskaashiga islaamka.
Qatar waxaa ay ka mid tahay dalalka sida dhow u taageera dowladda Soomaaliya, waxaana toddobaadyo ka hor wada-hadal telefoonka ah yeeshay madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka dalka Qatar, xilligaa oo ay ka wada-hadleen arrimo quseeya labada dal.
Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...