Waxa ay dawladdii iyo qarannimadii ka yeelayaan dukaan yar oo uu reer leeyahay. Waa dhab in aanu reer yari dawlad lahaan karin, dhisi karin, difaacina karin, se ay dumin karo marka ay inta badan ka xigsadaan.
Hergo reer ma aha ee qudhun-quuteyaal bahalnimo iyo budhcadnimadu hub ay ku qadhaabtaan u tahay. Reernimada iyagaa u arka buul ay ku dhuuntaan. Reerku se dembi taas kuma leh, waxa se eedi raaci doontaa marka taas ka indho garsadaan, ka aamuusaan ama u dhegooleeyaan inta badan ee dawladnimada la iska xeginayo, illaawaanna maalintii ay inta badan u baaahnaayeen.
Heego Muusaa sameeyey, isaga ayaanay burburinayaan. Waa run kale iyana oo aan laga aamusi karin.
Muuse Biixi waxa uu dhisay xukuumad dhinac ka raran oo si muuqata u burinaysa wax wada lahaanshihii iyo wada-jirkii Somaliland. Heego difaaceedu waa intan. Wax kale ma aha ee sedbursigaas baan u macdaar noqday ay biil ku qaataan, difaac iyo heeganna ay ugu jiraan sidii guuto faran dagaal ku jirta.
Sannad iyo badh ayay xukuumaddiisu u muuqday shan jir marka la eego caddalad darradiisa, marka la eego maamul xumaantiisa, marka la eego sumcaddiisa, marka la eego sharci jebintiisa, marka la eego dhul boobkiisa caa’iladaysan, marka eego himilo la’aantiisa, marka la eego rejo abuur la’aantiisa iwm.
28 sannadood ka dib waa taas maanta Somaliland kala madluunsan ee kalsoonidii bulshada dhexdeedu burburtay, waa taas kalsoonidii dawladnimada lagu qabi lahaa sii dhimanaysa.
Waa taas Somaliland baallaha ka soo rifmaysa, dhexdiina uu xarku ka galay.
Waa taas 18-kii May noqotay isir kala qaybineed oo loo kala yeelanayo sidii dawladnimada loo kala xigsadey.
Waxaas oo dhan waxa ka daran Heegada Muuse masruufo ee uu hantidii dadka saboolka ah sir iyo caadba ugu naasnuujiyo, ugu qaraabo-kiilo. Haddii asd doonaysaan in Muuse la dhallilin nooga saara madaxtooyada oo xaafadihiinna geeyo bal in ay cidi wax ka sheegto.
Kursiga iyo xilja ayaannu la hadlaynaa ee adeerkiin uma soconno. Car bal aannu la hadalno haddii aad xaafaddihiinna geysaan.
Kama se aamusi doonno inta uu talada noo hayo ee maamul xumaanta ku socda. Hadda xaalkiisu waa nin qaawani biyo iskama dhawro.
Heego waxa ay noqotay daabka gudin lagu dulbaaxsado oo haddii xukuumadda loo garsheegto ama la dhalliilo fagax soo odhan, oo siidhiga isugu qaylodhaansanaya m, iskuna gudbaya la garnaqsiga ama dhalliisha xukuumadda.
Waa kuwaas difaaca soo wada gelaya ee u haysta in Somaliland iyagu leeyihiin, dawladnimadeeda dadka Somaliland xigaan ee ay qofka ay doonaan Somalilandnimada ka saaraya.
Maqaalkan felcelintiisa uun ila qiimeeya, Heego waxa aad ku ogaal aflagaaddo aan mawduuca wax shuqul ah ku lahayn iyo weedho madhan oo saaran hawo been ah, nacayb iyo cuqdad nafsaani ah oo isku wada eg sidii qof qudha ahi leeyahayna is wada canjilaya.
Wax weyn baan soo fool leh. Professorrada Cali Khaliif Galaydh iyo Axmed Ismaaciil Samatar doodahoodii waxa ay noqdeen maan-fur wanaagsan.
Doodo badan bay dhali doonaan. Runtii cabbudhsanayd ayaa dhaayo-furatay. Waa taas Heego xammili weydey ee dulqaadkii iyo xaqdhawrkii ka dhoofeen, waayo runta iyo Heego kastaa waa col oo waa ay isku shaashoobaan, gogolna kuma fadhiistaan.
Heego ma yeelan karto dawladnimada ay isa siisay. Kama xigi doonto bulshada qaranka Somaliland. Muuse laguma raaci doono dawlad dhinac si weyn uga raran iyo is maroorin meel-iska-tuurnimo.
Laba mid bay noqon oo ama waxa ay u hoggaansami sharciga iyo aqlabiyadda, waana ta qaranka iyo iyagaba u danta ah, ama waxa ay noqon in jiho kale la qaado oo wax la iska weydiiyo in Somaliland sidan ma sii ahaan kartp ee aan raadinno wax intaas ka xeeldheer oo la dugsan karo.
Waxa aan ka mid ahay inta aan sidan ku sii kalsamaan karin.
Uma arko wax qiime badan leh in 18-ka berri loo dabbaaldego. Marka hore ma aan jeclayn sida miyir la’aanta ah ee maalintaas loo xuso, haddana waa ba Ramadaan.
Haddana dareenkaygu kama horjeedo dareenka bulshadayda oo waxa aan u rejaynayaa nabad, degganaan iyo farxad in ay u dabbaaldegaan.
Heego maalmihii qaar badan baa dambeeya ee is daba qabta weli toobaddu waa ay idiin furantaye.
Talo adigaa ku noole iyadu kugu ma noola.
Maxamed Bashe Xaaji Xasan