Arimaha qaarkood xisbiga ucid waxay isku mawqif ka noqdaan xisbiga kale ee mucaaridka. Waxa ugu dambeeyay mooshinkii Xukunka Degdegga ahaa ee baarlamanku diiday. Inay doorashooyinku qabsoomaan bisha December waxay isku mawqif ka yihiin xisbiga xukuumadda ee Kulmiye. Marka ay tahay mawqifka mucaaridka caadiga ah xisbiga ucid inu labada goorba sax yahay ayay u arkaan. Markaa yaa ka tarjuma mucaaridka aan macangagga ama xagjirka ahayn oo ah inta ugu badan mucaaridka? Aniga waxay ila tahay ucid. Faysal waxa u kala soocan waxay isku diidan yihiin ama ku kala aragtida yihiin Madaxwaynaha iyo waxay tahay inay ka midoobaan oo aanay ku kala tegin markaa isaga mawqifkiisu dhinaca xukuumadda waa KALA GO’ KALA LULASHO AYAA DHAANTA IYO GEELJIRE GEELA WUU WADA JIRTAA HADANA WUU KALA JIRTAA. Siyaasaduna saaxiib joogto ah iyo cadow joogta ah midna ma laha siyaasiguna waa inu taa mar walba ku xisaabtamo iskuna dayo inu saaxiibo ama taageerayaal badan kasbado. Sidaa daraadeed siyaasigu maaha inu dadka u kala qaybsado kuwiisa uu raaligelinayo iyo kuwa shisheeye ah oo aanu u baahnayn dantoodana aan ka dhex arki karin xisbigiisa. Hadda waa iga talo uun ee wax dan ah oo gaar ah kama lihi sax iyo qalad labadaba in loo arki karana waan ogolahay
Somaliland: Cali Gurey Oo Karbaashay Xisbiyada Mucaaridka Ah Ee Somaliland Ucid Iyo Waddani Balse Muxu Ka Yidhi
Date: