Magaalada Hargeysa waxa Jimcihii Shalay ka da’ay Roob biyo dhigay isla-markaana keenay in biyo badan qul-qulaan jidadka.
Roobkan oo noqonaya kii koowaad ee si wanaagsan uga da’a Magaalada, intay Dalka ka bilaabmeen Roobabka Gu’ga, ayaa waxa soo dhaweeyay, kuna farxay inta badan Shacabka ku dhaqan.
Hase-ahaatee, waxa markiiba soo if-baxay Hab-dhaqan Caan ka ahaa Hargeysa, kaasi oo ahaa in Dad-weynuhu ay Daadadka Guryahooda hor-maraya raaciyaan Qashinka guryaha u yaalla.
Dadka reer Hargeysa qaarkood ayaa waxay Caado ka dhigteen in marka Roob weyni ka da’o Magaalada inay Qashinka Guryaha u yaalla raaciyaan, iyago oo aaminsan in Biyuhu ay Qashinka geynayaan meel dhowrsoon, iyagana ka fogaynayaan. Laakiin biyuhu waxay Qashinkaasi si toos ah u soo gaadhsiiyaan badhtamaha Magaalada, gaar ahaan Jidadka waaweyn ee Dadka iyo Gaadiidku isticmaalaan.
Arrintan oo fool-xumo ku ah Bilicda Magaalada, muujinaysana hab-dhaqanka Bulshada ku nool qaarkood, waxay dood ka dhex abuurtaa Bulshada, gaar ahaan kuwa isticmaala baraha Bulshada.
Dooddan oo dhalatay markii Baraha Bulshada lagu baahiyey Sawirro muujinaya Qashin badan oo yaalla suuqa badhtamaha Magaalada oo Daadadku sidaan, ayaa waxa Dadka qaarkood qabaan in Dadku xaq u leeyihiin inay Qashinka raaciyaan Biyaha, haddii ay Dawladda hoose oo ay shaqadeeda ahayd inay ka qaadi wayday, halka kuwa kalena ku doodayaan in Dadku si ka wanaagsan sida ay Qashinkooda iskaga fogayn lahaayeen.
Maxamed Haaruun oo ka mid ah Dadka arrintan kaga hadlay Baraha Bulshada Bulshadu ku xidhiidho ayaa yidhi “Hargeisa Somaliland, Xashiishka aad roobka La sugaysaan Ka daaya Shacabyow mucaaridka Iyo Muxaafidka iskugu jiraa..”
Laakiin, Dadka qaarkood ayaa qaba aragti ah in Qashinka ay Dadku raacinayaan biyaha Roobku ay ahayd in xilli horeba ay Dawladda Hoose Dadka ka qaaddo, sidaa darteedna ay Masuuliyadda Qashinka biyaha la raaciyey leedahay Dawladda Hoose, sida uu qaba Axmed Rooble …
Doodda caynkaas ah waxa barbar socota dood kale oo Dadka qaarkood ku dhaliilayaan Xisbiga Kulmiye oo uu ka soo baxay Maayarka Hargeysa, halka qaarkoodna ay ku doodayaan in Shacabku khaldan yihiin, balse ay Dawladda Hoose shaqaynayso, hase-ahaatee dooddan oo isku mashquulisay Shacabka laftooda ayaa keenaysa in Dawladaha hoose ee ay waajibaadkooda si wanaagsan u gudan waayaan.
Dawladda hoose ee Hargeysa waxay Nadaafadda Magaalada Qandaraas ku siisay laba Shirkadood, kuwaasi oo bishii guri walba $5 dollar kaga qaada qashinka, iyadoo taasi jirto, haddana Qashinku maaha mid illaa hadda nidaamsan, Dadka Sawirradan baahiyeyna waxay ku doodayaan inay doonayaan inay baraarujiyaan Maamulka Magaalada, si wax looga qabto nadaafad-darrada Magaalada.
Golaha deegaanka Hargeysa oo ka kooban 25 xubnood, waxa la doortay sannadkii 2012-kii, laakiin markii wakhtigu ka dhamaaday ayaa muddo kordhin loo sameeyay sannadkii 2017-kii, wakhtigaas oo bishii hore kaga ekaa, illaa haddana sharci kuma fadhiyaan.