Magaca Ganacsadaha Iyo Shirkadda La Siiyay Mashruuca qandaraaska Qalabka Lagu Ogaado Xadiga & Tayada Alaabta Koonteenarada Dekedda Ka Soo Degta (Scan Containers Project)

Waqrad Qoraal ah oo ku Socota Wasiirka Maaliyadda oo ay Shirkadda Mashruucan qaadatay Ku Faahfaahinayso Rakibaada Qalabka iyo in loo bahan yahay in meel looga baneeyo dekedda Berbera

Xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi ayaa qandaraas ku kacaya lacag dhan 4 ilaa 5 Malyan oo doolar ah, waxay siisay ganacsade caan ah.

Qandaraaskan oo aan la marin guddida qandaraasyada qaranka, ayaa ah qalabka lagu ogaanayo xadiga iyo waliba tayada alaabta koonteenarada ku jira ee ka soo degaysa dekedda (Scan Containers Project).

Mashruucan ayaa waxa bixiyey wasiirkii hore ee wasaaradda maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi, isagoona wasiirka cusub ee wasaaradaasi Dr. Sacad Cali Shire uu dhaqangaliyay mashruucaas.

Telefiishenka HCTV ayaa shalay baahiyey nuqul ka mid ah warqad qoraalka ah oo ku socota wasiirkii hore ee wasaaradda maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi, warqadaasi oo shirkadda la siiyay qandaraaska oo lagu magacaabo Universal Matrix, isla markaana uu qayb ka yahay ganacsadaha caanka ah ee Maxamed Aw-siciid ay wasiirka ugu sharaxayso faahfaahin ku saabsan qalabka Scan-ka ah ee ay rakibayso, iyo in loo bahan yahay in meel looga baneeyo dekedda Berbera.

Geesta kale Guddoomiyaha guddida qandaraasyada qaranka Somaliland, Nuux Maxamed Xuseen ayaa sheegay in aanay wax xog ah oo la xidhiidha arrintan ka haynin. “Arrintaa wax xog ah Kama hayno, wax na soo gaadhayna ma jiro. Qalad na halkii lagu qabto, ayuun baa lagu saxaa.” Sidaas Ayuu Nuux Maxamed Xuseen u sheegay HCTV