Wasaaradda Shaqo Galinta Iyo Arrimaha Bulshadda Somaliland ayaa caruur Darbi-jiifa oo tiradoodu gaadhayso laba iyo laabatan dhallinyaro ah oo cabasho ay la hortageen wasaaradda shaqo galinta toddobaadkii hore Ayaa Maxkamadda Gobolku Dib Xabsiyadda ugu celisay. Dhallinyaradii Darbi-jiifka ahayd ayaa Shalay waxa la horkeenay maxkamadda gobolka taasi oo ay maxkamaddu u rumaan garaysay si xabsiga ugu sii jiraan, waxaana arrinkan walaac xoogan ka muujiyay hay’addaha u dooda xuquuqdaha Aadanaha.
Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac ayaa sheegay in Dhalinyaradii Darbi-jiifka ahayd ee nolosha Adag Wehelka u Noqotay in Xukuumadii Daryeeli Lahayd Maanta Xadhig iyo Xukuno sugayaal kaga dhigtay Saldhigyadda Dhexdooda.
Warkan oo aannu ka soo xiganay shabakadda Hadhwanaagnews waxa uu intaasi ku darayaa in uu Intaas ku daray guuleed Axmed Jaamac Dafac isaga oo hadalkiisa siiwata. “Waxa ay ahayd in dhalinyaradda darbi jiifka cabashadda ay qabaan la dhagaysto oo loo soo baxo oo garta iyo xaq ay leeyihiin lasiiyo,lakiin qof cabasho kuula yimid adiga oo dawladda inaad xadhig ugu jawaabto may ahayn dadkanina marka horeba waa dad baahiya nololeed ay dibadda u soo saartay markaas arinkaas lagula kacay arin aad looga naxo weeyaan oo saldhigyaduba meel ay ku hayaanba majirto laba iyo labaatan caruurta darbi jiifta ah.