Somaliland: Maxamed Kaahinow Haddii Aad U Baahatay Mudaharaad Iyo Qas, Ballan Waxaan Kuugu Qaadayaa In Aannu Samayno”- Masuul WADDANI Ah Oo U Hanjabay M/kaahin

Date:

WADDANI Oo Ka Gubtay Hadallo Yasid Ah Oo Wasiirka Daakhiligu Hore Ugu Duray Axsaabta Qaranka Kuna Hanjabay Kacdoon Culus

Siyaasi Kayse Cali Geeddi oo ka mid ah Siyaasiyiinta Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa si weyn uga gilgishay hadalkii  dorraad ka soo yeedhay Wasiirka Wasaaradda Daakhiliga Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed ee ku aaddanaa in aannu dalku lahayn Mucaarid xooggan, taasi oo xisbiyada Mucaaridka ahi u arkeen xaqiraad iyo yasmo uu wasiirki kula kacay, waxaanu siyaasi Kayse Cali Geeddi sheegay in ay dalka ka ridi doonaan Mudaharaadyo iyo kacdoono uu Wasiirku ka qoomameeyo sida uu hadalka u dhigay.

Siyaasi Kayse Cali Geeddi oo shalay ka hadlayay kulan Magaalada Hargeysa lagu qabtay ayaa waxa uu sheegay in Xisbigiisa WADDANI dalka u tudhayo oo amnigiisa iyo wanaaggiisa ka shaqaynayo balse haddii buu yidhi Wasiir Maxamed Kaahin Axmed ay taasi deeqi wayday ay dalka ka ridi doonaan Mucaaradnimada uu doonayo iyo bannaan baxyo iyo mudaharaadyo culus oo ay xukuumadda kala hor tagaan isaga oo ugu hanjabay in uu hadalkii uu hore u yidhi ka qoomamayn doono.

Aqoonyahan Kayse Cali Geeddi oo cadho ka muuqatay hadalkiisa una jawaabaya Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa waxa uu sheegay in sidoo kale xisbiga KULMIYE dalka galiyey qabyaalad aad u ballaadhan oo aan hortii jiri jirin gaar ahaan wakhtigii xukuumaddii hore ee Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.  Waxaanu isaga oo arrimahaasi ka hadlaya yidhi:

“Waxaan aad ula yaabay Maxamed Kaahin oo ah ninkii ugu awoodda weynaa Golaha Wasiirrada oo ah Wasiirkii Arrimaha Gudaha in uu shir ka yidhaahdo Mucaarad ma lihin. Maxamed Kaahinow haddaad Mucaaradad u baahatay waanu samaynaynaaye ku bushaarayso. Haddii aad u baahatay Mudaharaad iyo qas oo shaqadaada ay ahayd, ballan waxaan kuugu qaadayaa in aannu samayno. Waanu samaynaynaa Mucaaridnimadii, waannu kuu samaynaynaaye u soo diyaar garaw markaasaad arki doontaa in ay naftu ku qabatee. Haddii aannu dalkii u tudhnay maadaama aannu waddankeenu u baahnayn buuq iyo qaylo oo WADDANI taasi xeeriyey, haddii ay kaa noqotay Mucaarad ma jiraba ku bushaarayso. Waxaan leeyahay xisbiyada markii ay UDUB talada dalka haysay wax qabyaalad ahi dalka kama ay jirin waanad ogtihiin. Qabyaaladda waxa keenay waxa aan hore u idhi waar xisbiyada yaan la furin. KULMIYE waxa ay yidhaahdeen mayee waannu ballan qaadnay. Reer Somaliland-noow KULMIYE isaga ayaa qabyaaladda keenay. Qofka xun haddaad waxba u sheegi waydaan waxba ma sheegaysaan. Qabyaaladda dalka waxa keenay oo illaa maanta wada waa KULMIYE taasi dadku waa ogayahay”. Ayuu yidhi KAYSE CALI GEEDDI oo ka tirsan xisbiga WADDANI.

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...