Puntland: Jenaraal Moorgan Oo Somaliland U Hanjabay- “Gobolka Sool Xoog Baa Lagu Haystaa Waxaanan Ku Soo Celin Doonaa Xoog, Aniga Oo 21 Jir Ah Ayaan Xiddigle Noqday”

Date:

Puntland: Jenaraal Moorgan Oo Somaliland U Hanjabay- “Gobolka Sool Xoog Baa Lagu Haystaa Waxaanan Ku Soo Celin Doonaa Xoog, Aniga Oo 21 Jir Ah Ayaan Xiddigle Noqday”

Jenaraal Moorgan Oo Khudbaddiisii Ugu Horraysay Musharaxnimadiisa Maamulka Garoowe Jeediyey Shalay Iyo Wixii Uu Somaliland Ka Yidhi

Gacan Ku Dhiigle Janaraal Maxamed Siciid Xirsi Moorgan oo ka mid ah ragga u taagan Musharaxnimada Madaxweyne ee Maamul Goboleedka dalkaasi Soomaaliya ee Puntland ayaa mar kale hanjabaad hawada u soo mariyey Somaliland iyo gaar ahaan ciidamada qaranka Somalilan doo uu sheegay in uu qaadi doono tallaabo uu ku sheegay mid uu ku xoraynayo Gobolka Sool.

 

Dhiigle Janaraal Maxamed Siciid Xirsi Moorgan oo shalay si ballaadhan loogu soo dhaweeyey Magaalada Garoowe ee Caasimadda u ah maamulkaasi oo ay dhawaan ka dhici doonaan doorashooyinka Madaxweynaha maamulkaasi ayaa waxa uu Moorgan si adag uga hadlay wax sida uu u wajihi doono Gobolo SOOL ka mid tahay oo uu sheegay in ay ka mid tahay Puntand oo xoog lagu qabsaday isaga oo sheegay in uu yaqaano dagaalka iyo sida loo xoreeyo deegaamo.

Moorgan oo kooxo dhallinyaro u badani u sacabo tumayeen ayaa mar uu warbaahinta kula hadlay huteelka uu ka degay Magaalada Garoowe waxa uu aad u dhaliilay siyaasadda Madaxweynaha wakhtigan horjoogaha u ah maamulkaasi Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo guud ahaanba siyaasadda iyo itijaaha maamul Goboleedkaasi u socdo oo uu ku tilmaamay mid aan qaan gaadhin oo aanay is lahayn da’da uu jiro iyo sida uu u laciifsan yahay.

Gacan Ku Dhiigle Janaraal Maxamed Siciid Xirsi Moorgan oo si gaar ah u soo qaaday waxa uga meel yaalla Gobolada Sool iyo Sanaag Bari oo maamulka Puntland hayb ahaan isaga sheegto ayaa waxa uu yidhi: “Kolay waa qorshe qarsoon oo aan u baahnayn in aan halkan ka sheego. Waxba waa wax ii qorshaysan waxna waan idiin sheegi karaa waxa iiga meel yaalla. Arrinta Magaalada Laascaanood waa dayac ku yimid. Waxa dayacay maamuladii hadda ka hor joogay. Dastuurka Puntland waxa uu dhigayaa in 9-ka Gobo lee Puntland xuduudeeda ilaalinteedu ay tahay waajib saaran hadba dawladdii markaa joogta. Gobolka Sool xoog baa lagu haystaa waxaanan ku soo celin doonaa xoog. Haddi aan talada Puntland ku guulaysto wax badan oo qorshe ah ayaa jeebka iigu jira. Wax badan baa iiga yaalla Laascaanood. Waa magaalo weyn oo dalkeena ka mid ah. Yeeli mayno in xoog lagu haysto. Ballan waxaa iga ah in an soo celiyo. Waan naqaanaa sida arrimahaasi oo kale loo maareeyo balse maaha wax aan imika halkan idiinka sheegayo. Waa qorshe dagaal oo qarsoodi ah. Puntland iyo deegaamadeeda maqani waxa ay u baahan yihiin in waddo cad lagu rido anna waxaan ballan qaadayaa in aan waddo cad ku soo celiyo”.

“Aniga oo 21-jir ah ayaan qaatay Billad ciidan oo Milatari, maanta oo Puntland jirto labaatan sano wali hal billad may qaadan waa halkii uunbay taagan tahay. Dadkani waxa ay u baahan yihiin in ay ugu horrayn nabad helaan. Haddii ay nabad helaan ayay dhaqaale dhisan karaan, oo aqoon dhisan karaan oo ganacsi dhisan karaan oo wax qabsan karaan, haddiise aanay nabad haysan oo ay ku jiraan cabsi iyo dagaal waxba meel gaadhi maayaan. Waan aqaanaa sida nabad loo helo ee marka hore wax la isaga dhiciyo. Waxa wax dooranayaa waa 66 xildhibaan oo idin matala. Kuwaasi ayaa loo baahan yahay in aad awoodda saartaan oo aad ku khasabtaan in ay codkooda na siiyaan. Haddii ay taasi dhacdo oo aan guulaysto waxa aad arki doontaan waxa aan doonayo in aan qabto oo jeebka iigu jira”.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...