Aqoonyahan Jamaal Oo Saluugay Doodaha Ay baryahan Fagaarayaasha la tagan Siyaasiyiinta Somaliland“Marnaba Maan Filaneynin In Aynu Nidhaahno Farmaajo Ayaa Waraaqo Diray, Iyo Weynu Heshiin Karnaaye Ma Noqonayso Sidii Hore”.
Siyaasi Jamaal Cali Xuseen Oo Ka mid ah Aqoonyahanka dalkani Somaliland leeyahay ee mar walba heeganka ugu jira difaacida iyo ilaalinta masayrka Umadda Reer Somaliland iyo Gooni iskutaageeda ayaa saluug wayn ka muujiyay hanaanka Doodaha ay Fagaarayaasha la tagaan Baryahan dambe Qaar ka mid ah Aqoonyahanada iyo Siyaasiyiinta Reer Somaliland, gaar ahaan waxa uu aqoonyahanku carabka ku adkeeyay oo uu saluugay doodii dhawaan ka dhacday Dalka jabuuti ee uu soo agaasimay Machadka daraasaadka Siyaasadda ee Heritage ee Soomaaliya kaasi oo ay fooda isdareen kooxo aqoonyahano ah oo kasoo kala jeeda labada dal.
Qoraal dheer oo uu Aqoonyahan Jamaal Kaga hadlayo arintaasi oo soo gaadhsiiyay Wargeyska Foore ayaa waxa uu ku yidhi sidan “Bilihii u danbeeyey waxaan arkaayey iyadoo Aqoonyahanadda iyo Siyaasiyiinta Somaliland ay u hadlayeen sidii oo ay ka cabanayaan dawladda Soomaaliya oo aad moodid in aynu kaba mid nahay. Somaliland weligeed may istaagin meel ay kaga cabato dawladda taagta daran ee Muqdisho ka dhisan. Shicibka iyo dawladda Somaliland waxay yihiin qaar ku qab weyn qadiyadda iyo gooni istutaaga Somaliland iyo wixii ay soo qabsadeen. Inkastoo Aqoonyahanadda iyo siyaasiyiintuba ay mar walba difaacan Somaliland qadiyadeeda haddana intii danbe waxaan ka dhex dhadhansanaayey inay sii daciifayso kalsooniddii ay berigii hore ku hadli jireen ilaa iyo intii ay yimaadeen isbadeladda geeska Africa ee ay dawladda Itoobiya hogaaminayso”.
Waxa kale oo uu Qoraalkiisa ku yidhi“Waxaan ka filaayey Aqoonyahanadda iyo Siyaasiyiintaba in ay sii wadaan kalsooniddii ay hore ugu hadli jireen (position of strenght), shacabka Somaliland oo shakiyeyna ay la hadlaan kalsoonina u muujiyaan. Waxaan filaayey inay yidhaahdan; ” qadiyadda gooni isutaaga Somaliland waa go’aan shacab, ee maaha mid masxalad qof, dawlad, iyo koox midna ku xidhan.” Marnaba maan filaneynin in aynu nidhaahno Farmaajo ayaa waraaqo diray, iyo weynu heshiin karnaaye ma noqonayso sidii hore. Iyo dawladda Xamar waxba nagamaydaan siinin iyo hadalo kale oo deelqaaf ku noqonaaya shacabka Somaliland ee ka sugaayey Aqoonyahanadda iyo Siyaasiyiintaba sidii dalkan ictiraaf loogu keeni lahaa”.
Sidoo kale waxa uu yidhi“Waxaan filaayey in kuwa qadiyadda Somaliland ka hadlaayey inay yidhaahdan; ” Itoobiya dano dhaqaale iyo nabadgelyo ayaa naga dhaxeeya, waxaananu ka filaynaa in danta dalkayaga iyo dadkayaga inay anaga nagala hadasho. Geeska Africa dhaqaale la mideeyaa oo ay Somaliland ka maqan tahay waa gaadhi bilaa batrool ah, maadama mandaqadda halka Somaliland kaga taallaa ay tahay halbowlaha ama wadnaha geeska Africa. Marna yaan shaki iyo Kalsooni daro aan lagu abuurin shacabka Somaliland”.
Ugu dambayn waxa uu yidhi“Haddaynu shacab ahaan midaysan nahay cid kasta waxba inagama qaadi karto, laakiin hawsha ugu weyn iyo khatarta qudha ee ina hortaalaa waa in la mideeyo shacabka Somaliland oo xilligan ay ka muuqato kala furfurnaan iyo inay kala shakiyaan, anigu taasaan u arkaa khatarta ugu weyn ee ina hortaalla ee u baahan in wax laga qabto”. Ayuu Qoraalkiisa Uu Foore u soo diray uu ku soo koobay Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen.