Mourinho oo markale dhaleeceeyay ciyaartoydiisa, kadib barbarihii ay la galeen kooxda Southampton

Date:

Tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa dhaleeceeyay ciyaartoydiisa ka dib kulankii ay barbaraha 2-2 la galeen Southampton ee ka tirsanaa kulamada 14-aad ee horyaalka Premier League.

Wargeyska “Mirror” ee dalka England ayaa wuxuu daboolka ka qaaday wareysi uu bixiyay macalinka reer Portugal ee Jose Mourinho kadib kulankii Southampton

“Ciyaartoydu waxay u muuqdeen kuwo si fiican u dagaalamay, laakiin waxaa ka maqnaa xamaasada ay ku joojin lahaayeen kubada iyo cadaadiska kaga imaanayay kooxda kale”.

“Ma ahayn natiijada aan ka dooneenay kulankan, laakiin waxaan heysanaa waxyaabo badan ee aad u fiican”.

Si kastaba kooxda Southampton ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 13-aad ee qeybta hore, waxaana u dhaliyay laacibkooda Stuart Armstrong, halka Cedric Soare uu markale daqiiqadii 20-aad ka dhigay ciyaarta 2-0.

Laakiin Manchester United oo kulankan awooday inay hesho barbaro ayaa waxaa gool u dhaliyay Romelu Lukaku daqiiqadii 33-aad, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2-1, kadib Ander Herrera ayaa isla qeybtii hore ciyaarta daqiiqadii 39-aad ee ciyaarta ka dhigay barbaro 2-2.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...