Somaliland: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kulan Balaadhan la qaatay Isimmada dhaqanka, Siyaasiyiinta, Waxgaradka iyo waayeelka Gobolka Sool

Date:

Laascaanood-24-11-2018-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi oo xalay u hoyday magaalo madaxda gobolka Sool ee Laascaanood, ayaa shir balaadhan la qaatay Isimmada madaxda dhaqanka oo uu hoggaaminayey garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaale, siyaasiyiinta gobolka, waayeelka iyo waxgaradka ku dhaqan gobolkaasi.

Kulankaas oo ay ujeeddadiisu daarranayd is-xogaraysi iyo horumarinta gobolka Sool, ayaa waxa hadalo kala duwan ka jeediyey isimmada dhaqanka, xildhibaanno, siyaasiyiin, waxgarad iyo waayeel tiro badan oo dhamaantood iska daba-maray sidii loo dardar-gelin lahaa horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, caafimaadka, waxbarashada iyo arrimaha Aas-aasiga ah ee gobolka Sool.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhinaciisa soo dhaweeyey waanooyinka iyo tusaalayaasha ay soo jeediyeen isimmada dhaqanka iyo waxgaradka gobolka Sool, waxana uu sheegay inuu weelayn doono waxyaabaha ay waxgaradkaasi soo jeediyeen

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...