Somalia: Madaxweyne Farmaajo oo booqasho rasmi ah ugu ambabaxay dalka Talyaaniga

Date:

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Talyaaniga, kaddib marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay dowladda Talyaaniga.

Madaxweynaha  iyo madaxda dalka Talyaaniga ayaa ka wada hadli doona dib u xoojinta  iskaashiga iyo xiriirka labada dal ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha  iyo amniga. Sidoo kale, labada dhinac waxay isla lafo-guri doonaan  danaha kala geddisan ee ay wadaagaan labada dal iyo sidii looga  miradhalin lahaa.

“Dalka Talyaaniga waxa aynu wadaagnaa xiriir taariikhi ah, dowladdayduna waxay dadaal gelinaysaa sidii aan dib ugu xoojin lahayn, maadaama ay dowladda Talyaanigu kaalin weyn ku leedahay dib-u-dhiska Soomaaliya, saaxiibbo dhawna ay yihiin labada shacab.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Dhankooda, Masuuliyiinta iyo Diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee qaybta ka ah wafidiga Madaxweynaha ayaa kulamo ku qotoma dib u habaynta xiriirka labada dal iyo iskaashiga waxa ay la yeelan doonaan masuuliyiinta dhiggooda ah ee dalkaas.

Soomaaliya  iyo Talyaaniga ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah, taas ayaana  saldhig u ah dadaallada joogtada ah ee madaxda labada dal ay ugu jiraan  ka miradhalinta qorsheyaasha iskaashi iyo xaqiijinta danaha ay  wadaagaan labada shacab ee saaxiibbada ah.

Booqashada  rasmiga ah ee Madaxweynaha ayaa qaadanaysa muddo saddex maalmood ah,  waxaana wafdiga Madaxweynaha qayb ka ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo  Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad, Agaasimaha  Madaxtooyada Dr Aamina Siciid Cali, Lataliyeyaal iyo Diblumaasiyiin sare  oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...