Somalia: Madaxweyne Farmaajo oo soo dhaweeyay tallaabadii cunaqabateynta looga qaaday Eritrea

Date:

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyay go’aanka Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ee cunaqabateyntii saarneyd looga qaaday Eritrea.

Madaxweynaha ayaa sheegay in cunaqabateynta hubka ee saarneyd Eriteriya looga qaaday dadaal wadajir ah oo ay sameeyeen,isagoona u mahad celiyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

“Waxaan soo dhaweyneynaa hubka iyo bartilmaameedyada kale ee cunaqabateynta ee Eriteriya codsigeena wadajirka ah looga qaaday,Waanu uga mahad celineynaa golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC),dadaalkooda waxtarka leh,Geeska Afrika ayaa si dhaqso ah u u sameynaya horumar iskaashi iyo mid dhaqaale,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Arrintan ayaa ku soo aadaysa iyadoo calaaqaadka gobolku uu soo hagaagayo, heshiis taariikhi ahna ay la galeen dalalka dariska ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Tallaabadan golaha ammaanka ee Qaraamda Midoobey ayaa meesha ka saaraya cunaqabatayntii Eritrea ka saarnayd soo iibsashada hubka, shaqsiyaad dhaqaalahooda la xannibay iyo xayiraaddii dhanka socdaalka.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...