Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Axmed Daa’uud iyo Wasiirka maaliyadda oo maalmihii u dambeeyay Khilaaf xoog lihi ka dhex aloosnaa ayaa hadda looga yeedhay Madaxtooyadda Somaliland.
Wararka illaa hadda soo gaadhay Caroog.net ayaa sheegaya in Madaxweynuhu u yeedhay si uu xal ugu helo khilaafka ka dhex taagan labadan masuul oo ku saabsan dhinaca maamulka.
Wasiirka maaliyadda ayaa doraad qoraal uu warbaahinta u qaybiyay sheegay inuu khilaafkaasi dhamaaday balse warkaasi ayaa beenoobay marka loo eego arimaha hadda taagan.
Wararkan oo faah faahsan Goordhaw filo.