Waa Kuma Safiirka Cusub Ee Madaxweynaha Turkigu U Soo Magacaabey Dalka Somaliya

Date:

Madaxweynaha dalka Turkey Rajjeb Dayib Erdogan ayaa magacaabay safiiro iyo lataliyaal sare oo xafiiskiisa ah, sida lagu shaaciyay qoraal lagu daabacay wakaalada Wararka ee dalka Turkey.

Mehmet Yılmaz ayaa loo magacaabay safiirka cusub ee Turkey u fadhin doono dalka Soomaaliya, waxaana uu shaqada kala wareegayaa Olgan Bekar oo muddo ka shaqeynayay Soomaaliya.

Mr Baker, ayaa lagu xasuusan doonaa sida wanaagsaneyd ee ula shaqeeyay madaxda Soomaalida, waxaana uu ahaa ruux dabeecad ahaan aad u wanaagsan sida ay sheegeen dadkii la shaqeeyay.

Madaxweynaha dalka Turkey ayaa badalay safiiro badan oo Turkey uga wakiil ahaa dalalka Greece,Somalia,Morocco,Paraguay,Mali iyo Benin, waxaana dhamaantood ay yihiin kuwo cusub oo xilalka kala wareegi doona safiirada ka horeeyay.

Turkey ayaa saameyn ku yeeshay Soomaaliya waxii ka dambeeyay abaartii xooganeyd ee dalka ka dhacday sanadkii 2011, waxaana Erdogan uu noqday masuulkii ugu horeeyay ee heer caalami oo Soomaaliya yimaada xiligaasi, isaga oo Ra’iisul wasaare ah.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa helay fursado kale oo daka Turkey ay ku tagi karaan, maadaama Turkish Airline ay noqotay diyaaradii ugu horey ee caalami ah oo Burburka kadib duulimaad ka bilowday magaalada Muqdisho, balse waxaa jiro dano qarsoon oo Soomaaliya uu ka damacsan Turkey.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...