Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay caan ku noqday jabinta iyo burburinta rekoodhada ugu waaweyn kubadda cagta gaar ahaan kuwa horyaalka La Liga xilli uu haatan rekoodh kale oo weyn diirada ku hayo.
Shaki la’aan Lionel Messi waa shaqsiga ugu miisaanka culus kooxdiisa Barcelona waxaana taas caddayn ugu filan falcelintii asxaabtiisa kooxda kaddib markii dhaawac looga saaray kulankii ay guusha ka gaadheen kooxda Sevilla.
Lionel oo haatan kasoo kabanaya dhaawacaas ayaa si weyn maanka ugu haya inuu rekoodh taariikhiya kala baxo garoomada kubadda cagta gaar ahaan horyaalka La Liga.
Haddaba, Iyadoo uu haatanba Messi yahay shaqsiga ugu goolasha sarreeya taariikhda horyaalka La Liga isla markaana leh goolal dhan 396 ayuu haddana si weyn u hiigsanaya gadhista rekoodhka taariikhiga ah ee 400 gool.
Shaqsiga ugu soo dhaw Messi ee rekoodhkaas ayaa ah xiddiga ay mudada dheer soo loolamayeen ee Cristiano Ronaldo oo 311 gool kasoo dhaliyay La Liga.
Kabtanka Blaugrana ayaa si uu rekoodhka 400 gool u gaadho haysta kulamo ku filan oo dhan lix kulan isaga oo la kala dheeli doona kooxaha Real Betis, Atletico Madrid, Villarreal, Espanyol, Levante iyo Celta Vigo.
Sidoo kale waxa jira rekoodh labaad oo uu hiigsanayo Messi, Rekoodhkaas ayaa ah inuu gaadho tirada rigoorayasha ugu badan ee abid laga dhaliyo horyaalka oo ah 50 gool waxaana uu haatanba diiwaan gashaday 48 gool kulaad.