Labada halyeey ee Chelsea – Frank Lampard iyo John Terry ayaa maanta isaga hor imaan doona horyaalka heerka labaad ee England, xilli ay labadaba lakala safan yahiin kooxaha Derby County iyo Aston Villa.
Labadaan xiddig oo lagu xasuusto iney si wadajir ah sanado badan u difaaceen maaliyadda Blues ayaa isaga hawlgabay kubadda cagta waxeyna haatan bilaabeen wakhtigooda tababaranimo.
Lampard waa tababaraha Derby County halka Terry uu yahay caawiyaha kooxda Aston Villa wuxuuna la shaqeynayaa macalinka cusub ee kooxda Smith.
Dean Smith oo horay usoo maamulay kooxaha Walsall iyo Brentford ayaa hadda aaminay Terry inuu kala taliyo lana maamulo kooxda.
Iyadoo ay taasi jirto hadana Lampard wuxuu qabaa in Terry uu noqon doono tababare heer sare ah mustaqbalka dhaw.
“Waa bilowga waayaha xiga ee John, waana hubaa inuu guuleysan doono” ayuu yiri Lampard oo la hadlayay saxaafadda Ingiriiska.
“Wuxuu leeyahay dhamaan astaamaha lagu noqdo macalin sare, maalin uun wuu noqon doonaa, waxaana filayaa inuu wax badan kusoo kordhin doono Aston Villa”