Warqada Uu Xisaabiyaha Guud Qoray & Farriinta Ay xambaarsan Tahay oo Laga Soo minguuriyey Wareegtada Xamar kasoo Baxday+Dhadhanka Cinwaan Isku Mid Ah Oo Loo Isticmaalay warqadda
Isbar-bar dhigga Nuqullada Hargeysa Iyo Muqdisho Kasoo Kala Baxay & Isu Midab-ekaanshaha Dulucdooda
Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Somaliland Axmed Daauud Geeddi ayaa wuxu si toos ah u soo dheegtay warqad uu qoray dhigiisa dalka aynu jaarka nahay ee Soomaliya taas oo uu ku socodsiinayo Wasiirka Horumarinta Maaliyadda ee Somaliland Mudane Yuusuf Maxamed Cabdi. Warqaddan uu xisaabiyuhu soo qoray ayaa waxay ka danbeysay ka dib markii uu wasiirka horumarinta maaliyadda mudane yuusuf maxamed cabdi uu wax ka bedel ku sameeyay shaqaalaha ka hawl gala xafiiska xisaabaadka qaranka isaga oo uu xisaabiyuhu sheegay in aanay Xisaabaadka Qaranku ka mid ahayn wasaaradda maaliyadda iyada oo laga wada war hayo in uu xisaabaadku ka tirsanaa wasaaradda maaliyadda tan iyo intii Somaliland jirtay.
Dhinaca kale, xisaabiyaha guud ee qaranka ee Somaliland Axmed Daauud Geeddi ayaa waxa ay u eegtahay in uu kaga dayanayo xisaabiyaha qaranka Somaliya madax-adayga uu ku hayo wasiirkiisa maaliyadda ee Soomaaliya taas oo wax u dhimaysa wada shaqaynta Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda iyo wasaaradaha kale maadaama oo ay xisaabaadka qaranku u qaabilsantahay qaranka lacag-sii-daynta taas oo ay ka dhalatay in aanay wasaarado badan ku adkaato in loo sii daayo lacagihii ay ku fulin lahaayeen hawlaha shaqo ee u yaalla. nuqulka xisaabiyaha guud ee Dawladda Somaliland Axmed Daauud oo Sida ka muuqata qoraalka kasoo baxay xafiiskiisa ka jawaabay wareegto uu wasiirka horumarinta maalliyadu isku badal ku sameeyey hawl wadeennada xafiiskaas, waxaa laga soo minguuriyey wareegto isla farriintaas xambaarsan oo Xisaabiyaha Guud ee dowladda aynu jaarka nahay ee Soomaaliya Faadumo Cismaan Faarax 1-dii bishan soo saartay taas oo iyaduna ka fal celinasa wareegto Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Md. Beyle soo saaray.
Wareegtada Xisaabiyaha Soomaaliya oo farogelin ku tilmaamaysa wareegtada wasiir Beyle ayaa cinwaan looga dhigay “jawaab celin Faragelinta Xafiiska Xisaabiyaha Guud iyo Marin habaabinta Wasiirka Maaliyadda”. Cinwaankaasi waa isla ciwaanka uu Xisaabiyaha Dawladda Somaliland kaga falceliyey isku shaandheynta wasiirka horumarinta maalliyada Somaliland Md. Yusuuf Maxamed Cabdi.
Wareegtada Xisaabiyaha Soomaaliya ayaa lagu yidhi “Waxaan rabaa inaan ku xusuusiyo labada Xafiis ee Wasiirka Maaliyadda iyo kan Xisaabiyaha Guud ee Qaranka ay howlahooda kala madax banaan yihiin , waxaan kaloo ku xusuusinayaa in shaqaalaha xafiiska Xisaabiyaha Guud aysan ka mid aheyn kuwa Wasaaradda Maaliyadda, aadna ku laheyn magacaabis”. Sidaasi si lamid ah ayaa Xisaabiyaha guud ee dawladda Somaliland uu ku yidhi qoraalka uu ugu jawaabay wasiirka horumarinta maalliyada oo ku taariikhaysan 4/11/2018, taasi oo saddex maalmood oo keliya ka dambeysay taariikhda wareegtada xisaabiyaha Soomaaliya soo baxday, isaga oo dabcan u dooday si la mid ah sidii uu xisaabiyaha guud ee Soomaaliya ula dooday wasiirkiisa maaliyadda taas oo loo macnaysan karo in ay labada dal isku mid yihiin.
Marka laga yimaaddo caqabadaha kala duwan ee uu xisaabiyaha guud ee qaranku ku hayo wasaaradaha dalka ee dhinaca lacag sii daynta, hadana, warqadda uu ka soo dheegtay xisaabiyaha guud ee Soomaaliya waxay hoos u dhigaysaa qarannimada, madax-banaanida iyo jiritaanka Somaliland.