Somaliland: Xisbiga Waddani Oo Si Adag Uga Hadlay Arrinta Badelaadda Bilaydhada Gaadiidka Iyo Warbixintii Ay Hay’adda SONSAF Saartay Ee Wargeyska FOORE Daabacay

Date:

Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa ka hadlay lacagta lagu soo rogay Gaadiidlayda ee bedalaada Bilaydhada Gaadiidka, taasi oo ay sheegeen inaanay bulshadu wakhtigan qaadi karin maadaama oo uu dalka ka taagan yahay Sicir Barar iyo Dhaqaale Xumo baahsani waxa kale oo uu Xisbigu ka hadlay Warbixintii Hay’adda SONSAF ay soo saartay ee uu daabacay Wargeyska Foore ee ku saabsanaa Saldhiga Ciidamada Booliiska Somaliland.

Ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI oo Shalay Shir Jaraa’id ku qabtay Xarunta Xisbiga ayaa ugu horayn ka hadlay Lacagta lagu badelayo Bilaydhada Gaadiidka waxaana uu yidhi “Inagoo ku jirna Sixir barar iyo Dhaqaale burbur aynu la daalaa dhacayno ninkii Gaadhigiisa Cashuurtay ee maalintii dhawayd Lacagta laga qaaday Haddana la yidhaahdo maanta lixdan Doolar bixi Shacabku ma kari karaan wakhtigan, waa in shacabka loo tudho, Waan kugu raacsanahay in la badelo lambarka oo hala dhex galiyo si aanu gaadhigu u qiime beelin waan ku raacsanahay laakiin ninkii shalay cashuurtay in la yidhaa Lix boqol bixi ma qaadi karo, arintanina in sharciga iyo Baarlamaanka lasoo mariyo ayay ahayd, Shacabka waxaa ka wakiil ah Baarlamaanka laakiin bulshada lagu soo dhex tuuro may ahayn”.

Waxa kale oo uu ka hadlay Dacwad ay Sheegeen inay Ciidanka Bilayska Somaliland ku soo oogayaan Wargeyska Foore ayaa waxa uu yidhi:  “Shalay Wargeyska Foore ayaa hadlay oo Booliiska la hadlay, Haddaan la isdhaliilin oo aan wax la isku sheegin wax mahagaagaan. In la isdhaliilo oo wax la isku sheego oo wax la toosiyo weeyi, Booliiska Waa run, waan ku seexanaa, oo waa booliiskeenii ama ciidamadeenii, laakiin Booliiskii Wax yiqiinay Way gaboobeen,rag Gaboobay ayay noqdeen laakiin raggii in wax laga barto oo ay iyagu wax baraan oo wax la baro oo iyagu Arday soo saaraan weeyi,Laakiin marka la yidhaa Waxbaa xun, Oo Booliiska waxbaa ka xun ama waxbaa inaga xun in la yidhaa Maxkamad ayaa lagu gaynayaa ama waxa lagu gaynayaa Xeer Illaalinta maaha”.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...