Badhasaabka Gobolka Sanaag Maxamed Axmed Caalim (Tiimbaro) ayaa markii u horaysay ka hadlay halka uu ku dambeeyay Taliyihii duleedka Magaalada Ceerigaabo ku sugnaa ee uu dhawaan sheegay inuu isku soo dhiibayo Somaliland, waxa uu markan cadeeyay inay rajadaasi laalantay islamarkaana waxa uu sheegay inay afar gaadhi oo tikniko ah udiri karaan si ay gacanta ugu soo dhigaan laakiin ay Xukuumad ahaan iska dhawrayaan Dhimasho inay timaado ama dad inaga baxo,waxa uu sidoo kale u hanjabay Warbaahintu inay buun buuniso Xaalada Gobolkaasi ka taagan
Badhasaabka oo Warbaahinta kula hadlay Ceerigaabo ayaa waxa uu yidhi“Waxaan leeyahay Guud ahaanba Saxaafadda Dhinaca Togan (Positive) u shaqeeya,had iyo jeer waxaad doon doontaan Waxaa la yidhi Hashu markay maqaarka diidayso halka xun ayay ka ursataa, inaad Xumaanta, Nabadgalyada iyo halka ay ka dhaq dhaqaaqayso doon doontaan, Xalay waxaan arkay Telefishan Waraysanaya Nin halkan iska soo galay, Anaga Xukuumad ahaan Afar Gaadhi oo Tikniko ah ayaa ku filan oo waanu soo qaban karnaa, Wax weyn nalama aha, laakiin waxaanu diidaynaa in qof wax inaga noqdo”.
Isagoo hadalka sii wata ayaa waxa uu yidhi “Anaga oo taasi illaalinayna idinkuna haddii aad sii yar xoq xoqdaan, dee dhibaatadeeda ayay leedahay, kaga hadhimayn Cidii waxaasi samaysay xeer illaalinta ayaanu u gudbinaynaa, Anigu waan aqaanaa Sharciga Saxaafadda, hala soo xidho iyo qaf qaf idinkula shaqayn maayo, Xafiiskaasi ayaan idinka ashkaytanayaa nabadgalyada cidii wax yeelaysa,shaqaddana waanu ka joojinayaa illaa inta Kiiskaasi ama ku cadaanayo ama aanu wax ku waayayno, hawshiisa halkaasi ayaanu ka galaynaa, Waxaan idin leeyahay, Adeer meeshan ama aan uwada shaqayno ama dee haddii aad doonaysaa inaad rogtaana intaydaan idinku rogin ayaanu idin rogaynaa, Balankeenu waa sidaasi”.