Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dr Sacad Cali Shire, ayaa ka hadlay isbedelada ka socda gobalka Geeska Afrika iyo saamaynta ay ku yeelan karayaan Somaliland, waxaanu sheegay in isbedel kasta oo gobalka ka dhacaa uu saamayn ku yeelanayo Somaliland.
Dr. Sacad Cali Shire, oo uu Wargeyska Geeska Afrika waraysi gaar ah la yeeshay, wuxuu ka hadlay isbedelada gobalka ka socda iyo doorka Somaliland, waxaanu meesha ka saaray rajada uu ka qabo in marnaba ay dawaldda Soomaaliya hormuud ka noqoto wanaaga Somaliland sida ay Itoobiya u daadihinayso Ereteriya oo kale. Waraysigaas oo uu Wasiir Sacad sidoo kale kaga hadlay arrimo kale wuxuu u dhacay sidan:
Is bedeladan ka socda Wadamada Geeska Afrika, Somaliland saamayn intee leeg ayey ku yeelan karaan?
Is bedel kasta oo Geeska Afrika ka dhaca ha wanaagsanado ama ha xumaado, saamayan buu inagu yeelanayaa, waxaana rajaynayaa in mar walba inaga saamayn wanaagsan inagu yeeshaan, oo wixii khilaafaad ah ee jirana wanaag lagu dhammeeyo iyo in la dhawro xuquuqda bini’aadamka.
Mar haddii Itoobiya la heshiisay Ereteriya maxay Somaliland ka filan kartaa Soomaaliya?
Inagu Somaliya ka filan mayno inay soo dhawayso horumarkeena, iyo Dimuqraadiyadeena iyo inay ku faraxdo horumarka aynu gaadhnay, laakiin insha allaah waxaanu ku rajo weyn nahay in caqligu u soo noqdaan , oo ay nala qaataan in dantoodu tahay Ictiraafka iyo Aqoonsiga Somaliland, Ictiraafkuna Somaliland oo qudha dan uma ah ee Somaliya ayuu dan u yahay, Itoobiya ayuu dan u yahay, Jabuuti ayuu dan u yahay, Ictiraafka Somaliland Gobolka oo dhan buu dan u yahay.
Itoobiya Dekadda Casab ee Ereteriya ayay bilowday inay isticmaasho , markaas saamayn miyaanay ku yeelanayn dekedii Berbera ee la filayay in Itoobiya isticmaasho?
Itoobiya Dekaddaha Geeska oo dhan ayey isticmaalaysa, Jabuuti ayey isticmaalaysaa, Casab bay isticmaalaysaa, Berbera ayey isticmaalaysa, Port Sudan bay isticmaalaysaa, dabcan Dekaddaha u dhaw-dhaw ayey isticmaalaysa, oo caqliga ayaaba ku siinaya, madaama Wadanka Itoobiya uu yahay Wadan balaadhan, oo dad aad u tiro badan ku dhaqan yihiin, inaga se xidhiidhkeenu inuu sii hagaago mooye, waxba kama xumaanayaan, mab’deena Itoobiyana, waa mab’da aynu isku waafaqsan nahay,
Waxaad hore u sheegtay in saldhiga UAE uu dheef u keenayo Somaliland, laakiin khatarihiisana leeyahay, bal ka waran khatarahaas?
Dabcan haddii aynu ognahay heshiiskaas ina khatartiisu badan tahay maynu galneen, sababta aynu u galnayna waxay ahayd faa’iidadiisa, faa’iidadii waa la arkaa, insha allaah waxa dhimana in la arko dhawaan ayaanu rajnaynaa,waxaanu doonaynaa in maalgashadayaashu ku soo dhiiradaan, oo ay soo daba galaan heshiisyadaas aynu galnay, in Shirkadda iyo Wadamana yimaadan, ayaanu ku rajo qabnaa, Dekaddiina waxa la bilaabi doonaa insha allaah sannadkan gudihiisa Bisha Octobar, Waddadiina hawsheedii waa lagu jiraa, Saldhigiina wuu socdaa, oo waxaanu ku bedelanay Saldhiga waa Waddada, oo ah arinta ugu muhiimsan, Dekadda marka la dhiso waxay u baahan tahay waa Waddo, haddii Waddada aan la dhisina, Dekaddu qiimo yeelan mayso, insha allaah wax khasaare ahna lama kulmi doono.
Halkee buu ku dambeeyey arrinkii Basaboorka Somaliland ee hore loo sheegay in lagu tagi doono dalka Imaraadka Carabta?
Wali hawshii Basaboorka waa lagu jiraa, insha allaahna wey hagaagi doontaa. Imika waxa lagu tagaa Basaboorka Dublamaasiga, barigii hore waa kuwii Imaaraadku yidhi dadka reer Somaliland ee jooga Imaraadka Basaboorkooda ayaa Ciqaamada loogu dhufanayaa, markii ay ka joojiyeen Basaboorka Somaliya, balse wali may fulin, balse waxaanu ku rajo weyn nahay inay arintani fuli doonto.
Sidee ayaad u aragtaa walaaca ay siyaasiyiinta mucaaradka iyo beesha caalamkuba ka muujiyeen haddii dib u dhac ku yimaado qabsoomida doorashooyinka baarlamaanka iyo deegaanka?
Inaga maalintii hore ayaa ina hor taala, oo wali lama bedelin maalintii ay Doorashadu dhacayso, oo ah 26/3/2019,waxayna ku xidhan tahay qabsoomida Doorashada Dhaqaalaha iyo in wixii ku xidhan qabsoomida Doorashooyinka in la sii dhammeeyo.