Sarkaalkii ka goostay Ciidanka Qaranka Somaliland ee u talaabay Dhinaca Maamulka Puntland ee Soomaaliya Siciid Cawil Caare ayaa muuqaal uu iska soo duubay ugu soo jawaabay siyaasiyiin ka hadlay Arintiisa,waxaana uu sheegay inay ku raacsan yihiin abaabulka jabhadeed ee uu kaga soo horjeedo Somaliland salaadiinta beeshiisa,Boqorada iyo Siyaasiyiinta ay hayb wadaagga yihiin,waxa kale oo uu sheegay inaanu ogolayn inuu arintiisa kala hadlo cid ka hoosaysa Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi.
Ninkan oo muuqaalka uu iska soo duubay laga siidaayay Telefishanada ka hawgala Puntland ayaa waxa uu ugu horayn hadalkiisa ku bilaabay sidan “Wararka ku tiri kuteenka ah ee la isla dhex marayo ee ay ka hadleen Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin,waxaan leeyahay uguma horayn Mucaaridnimo Somaliland Maanta,1992-kii wixii ka dhacay Hargeysa waa la ogaa, raggii wasiiradda ahaa ee iscasilay waa lagaranayaa, in laga hadlo ayay ahayd maalintaasi, Axmedaw inaad xaalada daristo ayay ahayd,adigoo mudan, noocada aad u hadashay waan u arkay inuu yahay Mid jeegaanaysan, maaha sidaasi, inan yar ma ihi, nin iska cararayna ma ihi, nin dulmi iyo cadaalad daro ka cararay ayaan ahay, oo Cuqaashiisa wata, Boqoradiisa Wata, Siyaasiyiintiisa Wata, inaad si yar oo liidata u hadasho aniga oo ku ixtiraamaya aad ayay khalad u tahay, talabaad inaadeerkay Siciid Sulub siduu u hadlay isagana ee loo qaadan karayaa, Maanta arintaydu mid xil lagu qaadanayo maaha, Xiligii Siyaasada inaadeer waad qaadateen”.
Isagoo ka hadlaya inay jiraan Wax waan waan ah oo laga dhex wado isaga iyo Somaliland ayaa waxa uu yidhi “Aniga Muuse Biixi Xidhiidh ma lehin,Cid ka hoosaysaana xidhiidh ila samayn mayso, isagana la samayn maayo, maadaama oo ay jiraan waxaan ka tagay oo wali ay wadaan, suxufiyiinta xidh xidhan Cadaalad darro ayaa lagu haystaa, Dadku waa shaqo laayahay,waa la tahriibayaa, inamaddii Jaamacadda ka baxay ayaa makhaayadaha Qaadka ku cunaya, haddii Qofkii Shaqada yar samaysta laga joojiyo adiga uunbay kugu qarxi doonaan Haddii Alle yidhaah,haloo fasaxo shaqadooda dadkaasi”. Ayuu yidhi ninkani isaga oo warbaahinta farriintan mariyey.
Xasaasi: “Inan Yar Oo Iska Cararay Ma Ihi, Nin Dulmi Iyo Cadaalad Darro Ka Cararay Ayaan Ahay Oo Cuqaashiisa, Boqoradiisa Iyo Siyaasiyiintiisa Wata, Arintaydu Maaha Mid Xilal Lagu Doonayo”..Caarre
Date: