Somaliland: Xaruntii Uu Ku Jiri-Jiray Gandi Library Ee Ku Dhegsanayd Saldhiga Dhexe Ee Magaalada Hargeysa Oo Xukuumaddu Xayiraad Ku Soo Rogtay

Date:

Xukuumadda Somaliland ayaa xariraad saartay dhisme laga waday Xaruntii uu ku jiri jiray Library-gii buugta ee Caanka ahaa ee Gandi Library ee Ku dhegsanaa Saldhigga dhexe ee Magaalada Hargeysa,kaasi oo ay Xukuumaddii hore ku wareejisay Shirkadda Alxarbi ee uu leeyihiin Ilma Faarax Xarbi.

Warar lagu kalsoon yahay oo soo gaadhay Wargeyska Foore ayaa noo xaqiijiyay in gabi ahaanba ay Xukuumaddu amar ku joojisay Dhismahaasi,islamarkaana la joojiyay hawshii ay ka wadeen Ilma Faarax Xarbi,iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in hakinta Dhismahaasi iyo xayiraadda la saaray uu ka yimid Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryaynta oo Xukuumadda u xilsaaran Wixii dhul ah waxaanay wararka aanu helnay ay  sheegayaan in Wasaaraddaasi amar ka soo baxay ay Xukuumaddu kula wareegtay shalay Xaruntaasi.

Ma jiro War rasmi ah oo ay Xukuumaddu ka soo saartay hakinta dhismahan uu Ganacsade Xarbi ka waday Goobtii uu ku ooli jiray Gandi Library balse waxa loo badinayaa oo aad loo hadal hayaa inay arintani la xidhiidho dhaq dhaqaaq xoogan oo ay Xukuumadda Muuse Biixi bishan ku waday hantidii sifada sharci darada ah ay Xukuumaddii hore u wareejisay ama u iibisay.

Todobaadkii ugu dambeeyay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa qaaday talaabooyin uu gacanta dawladda dib ugu soo celinayo xarumo muhiim ah kuwaas oo isugu jira dhismeyaal iyo shirkaddo gaar loo yeeshay.

Waxa gacanta dawladda Dib loogu soo celiyay Kaydka Haamaha Shiidaalka Berbera iyo waaxda amniga Ee Madaarka Hargeysa, isagoo meesha ka saaray shirkad Xukuumaddii hore u xidhay Baarkinka Madaarka Hargeysa, waxa uu sidoo Madaxweyne Muuse Biixi Xayiraad saaray oo uu joojiyay dhisme ka socday Huteelkii caanka ahaa ee Hargeysa Club oo uu Madaxweynihii ee Somaliland Daahir Riyaale qandaraas ku siiyay labaatan sanno ku ku dhaw Shaqsi gaara.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...