Jabuuti Oo Dalkeeda Ka Musaafurineysa Kumaan Qof Oo Itoobiyaan Ah Iyo Dawlada Ethiopia Oo Ka Dareen Celisay

Date:

Jabuuti Oo Dalkeeda Ka Musaafurineysa Kumaan Qof Oo Itoobiyaan Ah Iyo Dawlada Ethiopia Oo Ka Dareen Celisay
Dawladda Djibouti ayaa dalkeeda kamasaafurisay kumanaan ruux oo u dhashay dalka Itoobiya, waxaanay Djibouti muwaadiniinteeda kala baxday dalka Itoobiya.

Arrimahan ayaa yimid ka dib markii dhawaan magaalada Diridhaba ee Itoobiya oo ay rabshado ka dhaceen lagu laayay dad reer Djibouti ah. 5 ruux oo reer Djibouti ayaa la sheegay in gurigooda Diridhaba oo ay u xagaa baxeen lagu gubay, kuwaas oo dhammaantood geeriyooday, waana sababta ay dawladda Djibouti go’aamadan u qaadatay. Sidoo kale dad Itoobiyaan ah oo Djibouti degenaa ayaa iyagana lagu waxyeeleeyay.

Dawladda Itoobiya ayaa Djibouti u dirtay wefti uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Workeneh Gebeyehu oo shalay kulan la yeeshay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele.

Wakaaladda wararka ee Itoobiya ayaa wasiirka ka soo xigatay inaanu shil kooban oo dhacay saamayn ku yeelan doonin xidhiidhka Itoobiya iyo Djibouti, waxaanu sheegay inuu Madaxweyne Geele gaadhsiiyay farriin tacsi ah oo uu uga siday Raysalwasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed,

“Shilka dhacay laguma xidhi karo xidhidihka guud ee ka dhexeeya labada shacab.” Ayuu yidhi Wasiirku, waxaanu sheegay in Itoobiya maxkamad soo taagi doonto dadkii ka dambeeyay dadka reer Djibouti ee lagu laayay Diridhaba.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...