Xukuumaddii Hore ee Somaliland oo iyaddu markii hore kala soo wareegtay shirkaddii Total oo haysatay heshiis muddo 30 sano ahaa, Ayaa sanadkii 2015-ki
Xukuumaddii Hore ee Somaliland oo iyaddu markii hore kala soo wareegtay shirkaddii Total oo haysatay heshiis muddo 30 sano ahaa, Ayaa sanadkii 2015-kii hadana ku wereejisay Maamulka Haamaha shidaal Berbera . Shirkado ganacsi oo aan tartan furan u soo marin, kuwaasi oo la magac-baxay “Berbera Oil Group “(BOG), Waxaana muddo jiray guux iyo muran lagu diidan yahay. kuwaasoo shirkadahaasi qaarkood Ay hore shidaalka u keeni jireen. halka inta kalena ay cusbaayeen oo la aasaasay ama ay la dhasheen hindisihii waqtigaasi ee wareejinta Haamaha Shidaalka. Siday xogaha waqtigaasi tibaaxeen .
Xaalku si kastaba ha ahaado’e Shirkadahaasi lagu wareejiyay waqtigaasi Haamaha , Ayaa waxa ka mid ahaa; Red Sea, Hass, Som Petrolium, Som Oil, Liibaan Petrolium, Alwaarid Petrolium iyo Waraabe Petrolium. wuxuu heshiiskaasi ahaa muddo 30 sano ah. Iyaddoo dadweynaha Somaliland badidoodu ka soo horjeeday go’aanka xukuumaddii hore ku wareejisay haamaha keydka shidaalka ee Berbera, taasina waxay keentay in : Golaha wakiiladda ay shirkadahaasi lagu wareejiyey Haamaha kaydka shiidaalka go,aan sharci oo diidmo ah, ku ansixiyaan oo weliba aqbalabiyad ku qotomay iyo in aanu xitaa madaxweynuhu soo celin Karin.
Laakiin waxaa la-yaab noqotay oo go.aankaasi waxba kama jiraan ka dhigay kadib markii Xildhibaano 20- ka kooban oo uu horboodaayo Gudoomiyaha gudi hoosaadka G/wakiiladda ee ilaalinta hantida Qaranka Xildh. Naasir Cali Shire ay saxeexeen mooshin kale oo qaab farsameysan loo soo dhigay . isla-markaana sida la sheegay ay shirkadaha shidaalka daba-ka riixayeen iyo baqasho xukuumadda Cusub laga qabay. taasi oo markaasi jirtay muddo Afar bilood ah. Aakhirkiina waxaa mar kale : la hor-geeyey G/Wakiiladda oo cod aqlabiyadda hadana ku ogolaaday heshiiskaasi.
Hadaba xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay Mudane M/weyne Muuse Biixi, Ayaa ah mid lagu xasuusan doono talaabadda wanaagsan ee ay ka soo saartay Iyo in la burburiyo heshiisyadii qaar ka midda uu ka mid yahay. kii lagula wareegay adeegyada Haamaha Shidaalka ee (BOG), shirkadahaasi oo intii ay gacanta ku hayeen tan iyo 2015kii khasaare xoogan soo gaadheen Bulshada qaybaheeda kala duwan . Iyada oo dhowr jeer lagu shubay shidaal aan nadiif aheyn ama Shidaal xabkaysan oo ay shirkadahaasi dalka ku soo daayeen. taasi oo Xukuumada Somaliland iyo Hayadeeda fayo dhowrku . Ay ku fashilmeen in ay si dhaba u kantaroolaan oo ay awood buuxda u waayeen in la hubiyo Sheybaadhka fadhiidhka noqday ee yaalay Xarunta Kaydka shidaalka ee Berbera.
Si-kasta oo ay Tahayba dadka aad u faaqiday go.aankani Madaxweynaha Ayaa sheegay inay dadku dhamaan Mucaarad iyo Muxaafadba aad u soo dhaweynayaan Qarameynta Haamaha Shidaalka. sidoo kalena ay bilow u noqon-karto. Hanti badan oo kale oo sifo qaldan loo siiyey dad gaara iyo in dib loogu soo celiyo gacanta dowladda. Sidoo kale waa in aan cid gaar ah mardanbe kooto loogu xidhi karin Hantida Dadweynaha.
Hadaba hawsha ugu muhiimsan ee dawlad kasta lagu qiimeeyo waa talaabooyinka haboon ee ay qaado . Mudane Madaxweyne waxa aad qaaday go.aan geesinimo oo wanaagsan gaar ahaan hantiddii Qaranka ee ku jirtay gacmaha Ganacsiyadda gaarka loo leeyahay. waana talaabadii ugu horaysay ee ay qaaday oo noqonaysa. tan iyo markii aad la wareegtay xilka hogaaminta dalka Waana arin runtiui mug iyo miisaanba xambaarsan kuna qotonta wanaaga iyo Horumarka S/land. waxaa kaloo lagaa sugayaa talaabadda ku xigta ee aad qaadi doonto iyo sida aad uga ka baraan dagtid ama ka fiirsatid . cidda ugu haboon ee xilkaasi Keydka Haamaha shidaalka Qaranka loo dhiibi doono.
Adan Yusuf Elmi