Somalia: Xukuumada Somalia Oo Ka Digtay Madaxda Ku Kacda Musuq-Maasuqa

Date:

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo xalay khudbad ka jeedinayay munaasabada lagu maamuusayay 12ka August oo ku beegan maalinta dhalinyaradda aduunka ayaa u digay mas’uuliyiinta dowladda ee ku kacaya musuq-maasuqa.

“Waxaanan aqbali doonin in dalkaan musuq maasuq lagu dhaqo, waxaan halkan ka cadeynayaa halkan farriin uga dirno qof waliba oo Soomaaliyeed ama Wasiir ahaaw ama ruux kale ahaaw oo xil uga hayo dowladda, oo ku fekerayo in uu ka shaqeeyo lunsashada hantida Qaranka oo ku fekeraayo musuq maasuq inuu sameeyo, waxaan kuu sheegaa inaadan calfan doonin” ayuu yiri Khayre.

Hadalka ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa imanaya maalmihii ugu danbeeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda loo xiray qaarkood-na looga joojiyay shaqada arrimo la xiriira musuq maasuq iyo wax is-daba-marin waxaana ugu danbeeyay wasiir ku-xigeenkii wasaaradda arrimaha dibedda Mukhtaar Mahad Daa’uud oo shaqo joojin lagu sameeyay.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in uusan qof ka tirsan dowladda oo loo cafinayo musuq maasuq iyo in lagu takri-falo hantida dadweynaha, isaga oo amray hay’addaha garsoorka in ay waajibkooda fushadaan la xiriira wax ka qabashada iyo daba-galka mas’uuliyiinta dowladda eeku howlan musuq-maasuqa.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...