Puntland Oo ku Gacan Saydhay wada-hadalka Ay IGAD Dhexdhexaadinayso Ee Lagu Xallinayo Colaada Tukaraq.
Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Puntland,Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar (Camey) ayaa ku gacan seydhay wada-hadalka ay IGAD dhexdhexaadinayso ee la sheegay in lagu xallinayo colaadda Tukaraq.
Camey wuxuu sheegay in dagaalka Tukaraq uusan joogsan doonin inta ciidamada Somaliland ay ku sugan yihiin taako kamid ah xuduudaha Puntland, isagoo caddeeyay in aysan waxba iska beddelin mowqifkoodii ku aaddanaa xoraynta degaannada ay Somaliland ka haysato Puntland.
“Dagaalkani isma taagayo, sidaan horeba u sheegay, maba qarsadaba dee anigu, inta taako dhulkaas ah lagu jiro dagaalkan ma istaagayo” ayuu yiri Camey.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in nabadda laga raadinayo colaadda Tukaraq ay tahay mid qoor-qabasho ah ee aysan ku imaan hannaankii loo baahnaa, sidaasi darteedna marnaba aan la aqbali karin.
“Puntland marnaba nabada ma diidana,laakiin waxan kuu sheegayaa nabadgelyo qoor-qabasho ah dadkan asalna uma laha, dhaqanna uma laha,weligeedna ma dhicin horena uma dhicin gadaalna uma dhici doonto” ayuu yiri Camey.
Wakiilada Beesha caalamka ayaa bilaaabay dedaal ay ku dhexdhexaadinayaan colaadda Puntland iyo Somaliland ee degaaanka Tukaraq.