Somaliland: Xildhibaan Naasir Cali Shire Oo Mar Kale Ugu Baaqay Cali Mareexaan Iyo Axmed Xaaji Daahir Inay Isku Diyaariyaan Maxkamad, Soona Bandhigay Khidado Layaableh Oo Lagu Lunsaday Boqolaal Kun Oo Dollar

Date:

Guddida Daba-Galka Hantida qaranka ee Golaha Wakiilada ayaa mar kale warbaahinta ka hor sheegay eedihii Musuq ee ay hore ugu soo qabteen qaar ka mid ah masuuliyiintii xukuumaddii hore iyaga oo markan faahfaahimo dheeraad ah ka bixiyey gaar ahaan Musuqmaasuqa hadheeyey Mashaariicda Dhismaha Labada xabsi ee Burco iyo Boorama iyo waliba hanti ka badan 350 Kun oo dollar oo Wasiirkii hore ee Hawlaha Guud ee xukuumaddii Siilaanyo Cali Marreexaan uu ku sheegay in uu qiimo dhimis ugu celiyey shirkadda Dahabshiil mar uu shirkaddaasi ka iibiyey dhulkii Laynka Booliska ee Hargeysa.

Xildhibaan Naasir Cali Shire, Guddoomiyaha Guddida Daba Galka Hantida Qaranka ayaa sheegay in aan Cali Mareexaan iyo kuwa la midka ahba aan looga baahnayn qaylo iyo in ay dadka kiciyaan balse looga baahan yahay in ay is difaacaan oo xujadooda iyo dhukumantigooda soo qaataan halka uu Ex. Wasiir Axmed Xaaji Daahir ugu baaqay in aanu isna qaylinin ee uu soo caddeeyo Foojarrada uu saddexda jeer lacagaha ugu qaaday Roogga Garoonka Boorama.

Xildhibaan Naasir oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Dad badani waxa ay markii hore ku celcelinayeen Naasir Cali Shire balse waxa halkan ka caddaatay in aanu nahay Guddi ka kooban 8 Xildhibaan oo waajibaadkii loo igmaday qabanayay. Qarankani Xisaab xidh buu leeyahay oo sannad walba Hanti-dhawraha guud soo saaraa. Guddidayadani shaqooyinkooda waxa ka mid ah in aannu hubino kharashaadkaasi in ay mareen meeshii loogu tala galay oo aanu hubino. Waxa Ilaahay mahaddii ah in aanu badka soo dhigno sannadkan xisaab xidhkii sannadkii 2016 oo aanu ogaanay in meelo badan sidii loogu tala galay aanay waxba u gaadhin. Markaa dadka waxaa ka qaylisay hore umay dhici jirin in marka qofka mashruuc loo dhiibo in aanay jirin cid ka daba tagtaa. Laakiin ka guddi ahaan maanta waxaa noo suurto gashay in aanu cagahayaga ku tagno mashaariicdaasi oo aanu nidhaa ma la fuliyey mise lama fulin. Waxaan doonayaa in aan maanta is dul taago laba jeel oo kala ah jeelka Boorama iyo Jeelka Burco”. Xildhibaanka oo arrintaa ka sii hadlayaa waxa uu yidhi: “Guddida Qandaraasyada qaranku waxa ay heshiis la galeen shirkadda Barako Construction waxaanay kula gashay laba sano oo kali ah in lagu dhammeeyo. Heshiiskaasi waxa uu dhacay 17/9/2015 kii maantana sannadka la marayo waad arkaysaan. Su’aashu haddaba waxa weeyi maxaa ku dhacay BARAKO Construction inay ku dhammays tiri waydo xilkii loo igmaday. Waxa kale oo meesha ku jirta lacagayowgii loogu tala galay in lagu fuliyo mashruuca oo ahayd 1.5 Milyan dollar. Wasiirka caddaaladdu waxa uu noo sheegay in maalintii ay heshiiska la galeen 100 Milyan farta laga saaray. Waxa kale oo aan soo ogaanay in xisaab xidhkii 2016-kii in laba jeer lacag la siiyey. Waxa kale oo aan soo ogaanay in mashruuca jeelka Burco nala galay arrinta liinka Booliska Hargeysa, waana ta keentay in Wasiirkii Hawlaha Guud soo toosisay. Markii hore Guddidan ujeedadeeda may ahayn in ay Wasiirradii hore baadhaan laakiin baashistii Jeelka Burco ayaa nala galay arrintaasi. Laynka Booliska Hargeysa yaa iibiyey waxaa iibiyey Wasiirkii hore ee Hawlaha Guud Cali Marreexaan. Barako Construction waxaan leeyahay haddii 2015 kii la idiin dhiibay 577 na aad qirateen in lacagahaan la idiinku wareejiyey waxaanu idin leenahay maxaad mashruucasi u dhammayn waydeen. Maxay u caddayn la’yihiin lacagta ay illaa imika qaranka ka qaateen”.

“Arrinta Laynka Booliska haddii aan eego. Waanu baadhnay waataasi warqaddii. Warqaddaa waxa qoray Wasiirkii hore ee Hawlaha Guud Cali Mareexaan. Warqaddaa gacantiisa ayuu ku qoray. Hay’adaha dawladda ayuu in badan ogaysiis ku siiyey. Waxa uu u sheegay in Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo inuu ku amray in lacag la siiyo Jeelka Burco. Waxa uu warqadda ku sheegayaa in Madaxweynuhu ku amray in aan Liinka Booliska soo qiimeeyo wixii ka soo baxana lagu bixiyo kharashka dhismaha xabsiga Burco. Dhulkii haddaba markii la iibiyey sida warqaddan ku cad cabbirkiisu waxa uu ahaa 133 waa meel 103 ah iyo meel 30 ah oo halkii Meter Square lagu iibiyey 300 oo Dollar. Waxa ay lacagtaasi noqotay 927-kun oo Dollar. Wasiirku waxa uu warqadda ku sheegey in qiimo dhimis loogu sameeyey shirkadda Dahabshiil oo dhulkan iibsatay 350 kun oo dollar. Xagga dambe waxa uu kaga daray lacagtaasi waxaan ugu tala galnay in lagu raro dadkii deganaa. Isaga masuuliyad saaran may ahayn arrintaasi. Hantidii qaranka markii uu iibiyey waxa ay ahayd in ay qasnadda dawladda ku dhacdo. Annagu DAHABSHIIL waxaanu u aragnaa shirkad qaran oo karaamo leh balse waxaanu daba soconaa wasiirka leh lacagta intaa le’eg waxaan ka bixiyey 350 kun oo dollar oo discount ah. Haddii Guddidu haddana sidaa qof u soo eedayso maaha waa dambiile ee hay’adaha garsoorka ayay u taallaa inay caddeeyaan in uu dambiile yahay iyo in aanu ahayn. Qofku waa in uu is dejiyaa qaylo iyo waxaa looma baahna iyo in dad la kiciyo. Marka loo yeedho waa in uu is difaacaa oo isna caddaymihiisa meesha geeyaa” ayuu yidhi Xil. Naasir Cali Shire.

“Jeelka Boorama haddii aan soo qaato isna. Jeelkaasi shirkaddii loo dhiibay wax hadal ah kamaan maqal laakiin shirkaddaasi waxa ku caddayd in jeelkii Boorama wali qabyo yahay oo cid waliba og tahay. Shirkaddaasi waa in ay caddaysaa sababta ay u dhammays tiri wayday mashruucii jeelka ee ay qaadatay”. “Waxa kale oo isna hadal badani ka soo yeedhay Axmed Xaaji Daahir oo isna Wasiir ahaan jiray oo ku suntan in uu sadex jeer lacago ku qaaday magaca roogga doogga ah ee Boorama. Foojarrada uu lacagta ku qaaday nambarradoodi baa la hayaa oo saxeexiisii baa la hayaa. Markaa waxaanu leenahay Ex. Wasiir is deji waxaad samaynaysaa la kaalay caddaymahaaga wixii hanti qaranka aad qaadday in sidii loogu tala galay in ay ku baxday. Waliba isla garoonkaasi mar afraad cid kale ayaa ku suntan oo qaadday lacag waxaanan isaga kaasi ku dari doonaa xisaab xidhka 2017-ka. Tallaabooyin fiican baanu qaadnay wakhtigu si kasta ha u dheeraadee qof kasta oo hanta qaran lunsaday ama ha joogo ama ha tagee waxa hubaal ah in maalin la soo qaban doono oo la hor keeni doono maxkamad sharci ah. Waxaan jabinay gidaar 27 sano ku xeernaa Somaliland” ayuu yidhi Xildhibaan Naasir Cali Shire.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...